07/05/2026
GAROWE - Agaasimaha Guud Ku-xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Mudane
Cabdirqaadir Xaashi ayaa maanta aaladda fogaan-aragga shir kula yeeshay madaxda iyo mas'uuliyiinta kala duwan ee waaxda canshuuraha berriga ee Wasaaradda iyo ciidamadda ilaaladda cashuuraha kaas oo diiradda lagu saaray dardargelinta dakhliga dowladda.
Shirkan waxaa soo qabanqaabiyay Xafiiska Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga ayaa si gaar ah loogu falanqeeyay dardargelinta dakhliga canshuuraha bariga. Waxaana ka soo qeyb galay madax iyo mas'uuliyiinta kala duwan oo ay ka mid yihiin waaxda canshuuraha bariga, Taliyaha Hoggaanka Canshuuraha ee Booliska Puntland, taliyeyaasha laamaha maamulada canshuuraha, iyo sidoo kale madax ka tirsan Wasaaradda.
Ajandaha shirka ayaa ahaa sidii loo xoojin lahaa dadaallada lagu kordhinayo dakhliga dowladda, iyada oo la isla gartay muhiimadda ay leedahay in la mideeyo qorshayaasha iyo howlaha socda, si loo gaaro koboc muuqda oo dhanka dakhliga ah.
Agaasimaha Guud Ku-xigeenka Dakhliga Cabdirqaadir Xaashi oo hadal ka jeediyay shirka, ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in si wadajir ah loo kordhiyo dakhliga dowladda, isagoo ku boorriyay dhammaan hay’adaha ku lugta leh inay laba jibbaaraan dadaalladooda si loo gaaro yoolalka la hiigsanayo.
Baahintii
Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland