22/01/2016
Horumarinta Nafta & NoloshaDiyaar ma u tahay inaad horumariso
naftaada iyo noloshaada? Dabcan, qof kasta oo nool wuxuu
doonayaa isbedel inuu sameeyo. In badan uma suuragasho si kasta
oo ay isugu dayaan sababtoo ah ma raacin wadadi saxdaahayd
ama ma doonayaan wixi ay ku jireen inay ka baxaan si ay u helaan
natiijo kale. Dad badan waxay naftooda u aqriyaan liis dheer oo ah
waxyaabo ay rabaan inay sameyaan, noqdaan ama helaan hadana
waxay ku dambeeyaan jawhareer sababtoo ah waxay rabaan in hal
mar si dhakhso ah ay guulo waaweyn u gaaraan.Caado ama
dhaqamo yar yar oo qofku si joogta ah u sameeyo maalin kasta
ayaa ku hogaamisa Guul. Halkan waxaa ku xusan qeybo ka mid
ah:1. Tuko Salaada Subax waqtigeeda. Sidoo kale, marka u horeysa
aad hurdada ka toosto u mahadceli Alle SWT ku siiyay fursad kale
oo Nolosha ah2. Qor wixi hawl ah aad rabto inaad maalintaa
qabsato. U kala hormari sida ay u kala mudan yihiin.3. U soco si
kalsooni leh, u dhaqan si degan, u hadal si tartiib ah laakiin fasiix ah
oo la fahmi karo4. Ku salaan salaanta Islaamka qof kasta oo kaa
soo hor baxa indhihiinu isku dhacaan ama aad kulantaan5. Habee
oo iska hagaaji hoygaaga. Kala yaacsanaantu waxay keentaa
jahwareer & qaab darro. Ka waran haddii xabad sigis/sharabaad
ama shanlo raadin waqti kaa lumiso adigoo shaqo aadi lahaa!?6.
Cun cunto isu dheelitiran. Muhiimadu maaha wax badan ee waa
wax ku siin kara nafaqo, energy & caafimaad7. Cab biyo badan
maalin kasta8. Samee jimicsi joogto ah ugu yaraan 30 daqiiqo
maalin kasta9. Aqri Buug, maqaal ama daawo wax ku dhiirigeliya,
waxna kugu saa’idinaya10. Ka fogow wax kasta oo negative ah ama
dib kuu dhigaya11. Baro inaad Maya oran kartid wixi aan dan kuugu
jirin. Horay ayaa loo yiri; Haa badan iyo haye fudud halaag bay
horseedaan12. Ha niyad jabin naftaada hana ka yeelin in qof ku liido
ama hoos kuu dhigo. Qof kasta waa gaar, Alle ayuu leeyahay, xilli
kasta ayayna noloshiisu is bedeli kartaa13. Hel hurdo kugu filan
habeen kasta.14. Samee ficil naxariis leh. Caawi qof u baahan. Bixi
sadaqo. Xaqdhaw deriska. Xushmee dadka.15. Carabkaaga bar oo
ku celceli dikriga Alle. Dambi dhaaf weydiiso, Ku shugri, raac wixi uu
ku faray kana joogwixi lagaa reebay.Laga yaabee inaad rabto wax
badan inaad noloshaada isbedel ku sameyso, laakiin dhoodhoobid
ama dibuhabayn been-been ah oo wax fiican loo ekaysiiyo ma aha
wax shaqeeya. Mana jirto Guul si dhakhso ah hal marloo gaaro.
Wax kasta waxay u baahan yihiin dedaal dheer,shaqo adag,
dulqaad, horay u socosho iyo si joogta ah u sameyn ficilo yar yar &
dhaqamo wanaagsan.