Puntland Ministry of Environment and Climate Change

Puntland Ministry of Environment and Climate Change Waa barta rasmiga ah ee Wasaaradda Deegaanka,Daaqa iyo isbedelka cimilada ee Puntland Core Functions:
.
1. Invest in disaster (e.g. drought, floods, etc.)

The Ministry of Environment, Agriculture and Climate change (MoEACC) was established in February 2009 in recognition of the need to bring and Develop plans, strategies, and policies related to the environment and agriculture in addition to mitigating climate change impacts, combating desertification, and preserving biodiversity. Ministry of Environment, Agriculture and Climate Chane (MoEACC)

Vision: Sustainable use of natural resources, in such a manner that would mitigate climate change impacts, contribute to achieving poverty reduction and food security, and improve the integrity of the environment and quality of life for present and future generations. Mission: To maintain efficient performance in developing and applying comprehensive policies and effective strategies, as well as promoting services by engaging the private sector, the relevant government institutions, and development partners, with a view to achieving prosperity and sustainability of the environment and food security in combination with holistic climate change mitigation actions. Contribute towards the sustainable socio-economic development of Puntland through judicious use and management of natural resources and healthy biodiversity.

2. Treat rainwater harvesting and watershed protection as precious resources that deserve investment, protection, and careful stewardship in order to enhance agricultural production and combat land degradation, by working with other government sectors and development partners.

3. mitigation and preparedness and build resilience against climate change.

4. Facilitate and coordinate mainstreaming, analytical works, communication, and knowledge management related to climate change and disaster risk reduction.

5. Explore access to climate funds (both domestic and global) and ensure their efficient utilization

WARSAXAAFADEEDWasaaradda Deegaanka oo Hawlgal Ka Dhan ah Ugaarsiga Sharci-darrada ah iyo Xaalufinta Deegaanka ka Fuliyay...
02/09/2026

WARSAXAAFADEED

Wasaaradda Deegaanka oo Hawlgal Ka Dhan ah Ugaarsiga Sharci-darrada ah iyo Xaalufinta Deegaanka ka Fuliyay Deegaanka Cawsane ee Degmada Badhan

Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbeddelka Cimilada Dowladda Puntland, oo kaashanaysa Hoggaanka Ilaalinta Deegaanka, Guddoomiyaha Deegaanka Cawsane iyo Ururka 21-aad ee Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland ee fadhigoodu yahay Cawsane, ayaa hawlgal ballaaran ka fulisay deegaanka Cawsane iyo nawaaxigiisa.

Hawlgalka ayaa lagu beegsaday dadka ku hawlan ugaarsiga sharci-darrada ah iyo xaalufinta deegaanka, kuwaas oo khatar ku ah noolaha duurjoogta, khayraadka dabiiciga ah iyo deegaanka guud ahaan.

Intii uu socday hawlgalku, waxaa gacanta lagu dhigay eedaysanayaal lagu tuhunsan yahay inay si joogto ah uga ganacsanayeen hilibka duurjoogta, iyadoo eedaysanayaasha lagu qabtay iyagoo ku hawlan falalkaas sharci-darrada ah.

Eedaysanayaasha la soo qabtay ayaa loo gudbin doonaa hay’adaha caddaaladda si loo waafajiyo sharciga, loogana qaado tallaabo waafaqsan xeerarka ilaalinta deegaanka iyo duurjoogta.

Wasaaradda Deegaanka iyo hay’adaha amniga ee bahwadaagta la ah waxay caddeynayaan inay sii wadi doonaan ololaha iyo hawlgallada lagu ciribtirayo ugaarsiga sharci-darrada ah, ganacsiga hilibka duurjoogta iyo xaalufinta deegaanka, si loo ilaaliyo khayraadka dabiiciga ah iyo duurjoogta Puntland.

Bulshada Puntland waxaa loogu baaqayaa inay kala shaqeeyaan Wasaaradda iyo hay’adaha amniga ilaalinta deegaanka, kana qayb qaataan soo gudbinta falalka waxyeellada u geysanaya deegaanka iyo khayraadka dabiiciga ah.

-DHAMMAAD-
-Xafiiska warfaafinta iyo xiriirka dadweynaha

Garowe: 02 Sep 2026: Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbeddelka Cimilada Dowladda Puntland Mudane Caydaruus Axm...
02/09/2026

Garowe: 02 Sep 2026: Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbeddelka Cimilada Dowladda Puntland Mudane Caydaruus Axmed Faarax - Oday ayaa ka qaybgalay Bandhigga 1aad ee Wax-soosaarka Timirta Puntland kaas oo lagu soo bandhigay timirta ka baxda gudaha deegaannada Puntland.

Bandhigga waxaa si rasmi ah u daahfuray Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane H.E Ilyas Osman Lugatoor waxaana ka qaybgalaya masuuliyiin ka tirsan heerarka kala duwan ee Dowladda, hay’adaha, ganacsatada, iskaashatooyinka timirta ee gobollada Puntland iyo marti sharaf kale.

Bandhiggan oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa diiradda lagu saarayaa kobcinta wax-soosaarka timirta, dhiirrigelinta beeralayda, horumarinta suuqyada wax-soosaarka gudaha iyo sare u qaadidda kaalinta ay timirtu ku leedahay horumarinta dhaqaalaha Puntland.

Ka qaybgalka Wasaaradda Deegaanka ayaa ku aaddan muhiimadda ay Wasaaraddu siinayso ilaalinta deegaanka, horumarinta wax-soosaarka iyo taageeridda dadaallada lagu kobcinayo beeraha iyo wax-soosaarka gudaha Puntland.

-DHAMMAAD-
-Xafiiska warfaafinta iyo xiriirka dadweynaha

Garowe: 01 Sep 2029: Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbeddelka Cimilada Dowladda Puntland Mudane Caydaruus Axm...
01/09/2026

Garowe: 01 Sep 2029: Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbeddelka Cimilada Dowladda Puntland Mudane Caydaruus Axmed Faarax - Oday ayaa maanta daahfuray Shirka Baahinta Saadaasha Roobabka Xilliga Dayrta 2026 ee Puntland, oo ay soo qabanqaabisay Xarunta Maaraynta Xogaha Khayraadka Biyaha iyo Dhulka ee Dowladda Puntland (DPL).

Shirka ayaa lagu soo bandhigay saadaasha iyo filashooyinka xilli-roobaadka Dayrta 2026, si bulshada iyo hay’adaha kala duwan loogu diyaariyo xaaladaha kala geddisan ee ay xambaarsan tahay xilli-roobaadkan. Sidoo kale, waxaa xoogga la saaray digniinta khataraha ka dhalan karta roobab, iyadoo saadaashu muujinayso suurtagalnimada roobab ka sarreeya heerka caadiga ah iyo daadad ka dhasha.

Wasiirka oo kelmad ka jeediyay shirka ayaa dul-istaagay muhiimadda ay leedahay in saadaasha cimilada iyo digniinaha h**e loo gaarsiiyo bulshada waqtigeeda, si looga hortago ama loo yareeyo khasaaraha ka dhalan kara xaaladaha cimilada ee daran. Wuxuu xusay in xogaha iyo saadaasha noocan ahi ay door muhiim ah ka qaataan qorshaynta, ka-hortagga iyo u diyaar-garowga khataraha dabiiciga ah.

Sidoo kale, Wasiirku wuxuu sheegay in Wasaaradda Deegaanka ay xoojinayso dadaallada lagu gaarsiinayo wacyigelin iyo xog sax ah bulshada, gaar ahaan dadka nugul iyo bulshada ku nool deegaannada fogfog, si loo xoojiyo u diyaar-garowga iyo badbaadada bulshada inta lagu jiro xilli-roobaadka Dayrta.

-DHAMMAAD-
-Xafiiska warfaafinta iyo xiriirka dadweynaha

Garowe: 29 Aug 2026: Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbeddelka Cimilada Dowladda Puntland Mudane Caydaruus Axm...
29/08/2026

Garowe: 29 Aug 2026: Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbeddelka Cimilada Dowladda Puntland Mudane Caydaruus Axmed Faarax - Oday ayaa daahfuray Toddobaadka Aqoonta, Dhaqanka iyo Hal-abuurka ee Jaamacadda PSU oo ay kulliyadaha kala duwan kusoo bandhigeen cilmi-baarisyo, aqoon, xirfado iyo hal-abuurro ay bulshada u hayaan iyo aqoonta ay kororsadeen Jaamacadda.

Toddobaadka ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed, iyadoo ardaydu soo bandhigeen agabkii dhaqanka, ciyaaraha hidaha iyo suugaanta dhaqameed. Wasiirka ayaa booqday qaybaha ay ardaydu kusoo bandhigayeen aqoontii ay barteen, cilmi-baarista iyo xirfadaha kala duwan ee ay ka heleen waxbarashada Jaamacadda.

Wasiirka oo kelmad ka jeediyay munaasabadda, ayaa bogaadiyay Maamulka Jaamacadda, macallimiinta iyo ardayda dadaalka ay geliyeen hirgelinta Toddobaadkan Aqoonta, Dhaqanka iyo Hal-abuurka, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in waxbarashada sare lagu xoojiyo cilmi-baarista, hal-abuurka iyo ilaalinta dhaqanka.

Wasiir Caydaruus ayaa si gaar ah u bogaadiyay ardayda kulliyadaha Deegaanka iyo Beeraha oo soo bandhigay noocyo kala duwan oo dhir ah iyo aqoonta la xiriirta deegaanka iyo wax-soo-saarka.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa si gaar ah u iftiimiyay muhiimadda ay ardayda Kulliyadda Saxaafaddu u leeyihiin horumarinta Climate and Environmental Journalism, isagoo ku boorriyey inay door firfircoon ka qaataan tebinta xirfadaysan ee arrimaha deegaanka, isbeddelka cimilada iyo dhacdooyinka ku xeeran, si bulshada loo gaarsiiyo xog sugan, aqoon iyo wacyigelin ku salaysan xaqiiqooyinka.

Ugu dambeyn, wasiirka ayaa bogaadinaysaa dadaallada Jaamacadda PSU ee ku aaddan kobcinta aqoonta, cilmi-baarista, hal-abuurka iyo dhaqanka, iyadoo waxbarashada sare iyo aqoonta casriga ahi yihiin aas-aaska horumarka iyo mustaqbalka jiilasha Soomaaliyeed.

Wasiirka waxaa kala qaybgalay Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka, Guddomiyaha Guddiga tacliinta sare,
Agaasimaha waaxda tacliinta sare ee wasaaradda waxbarashada, Guddoomiyaha PSU iyo Isudwaha Gobolka Nugaal

-DHAMMAAD-
-Xafiiska warfaafinta iyo warfaafinta

Garoowe: 29 Aug 2026: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbeddelka Cimilada Shaafici Maxamuud Ismaaciil...
29/08/2026

Garoowe: 29 Aug 2026: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbeddelka Cimilada Shaafici Maxamuud Ismaaciil ayaa maanta guddoomiyay shirka Guddiga Farsamada ee Maaraynta Bacaadka Puntland oo ka kooban wasaaradaha bahwadaagta ah.

Shirkan ayaa daba socda go’aankii ka soo baxay shirkii Guddiga Heer Wasiir ee Maaraynta Bacaadka, kaas oo uu magacaabay Madaxweynaha Dowladda Puntland. Guddiga Farsamada ayaa laga soo xulay wasaaradaha ay khusayso arrimaha bacaadka, si loo xoojiyo isku-xirka iyo wada-shaqaynta lagula tacaalayo dhibaatada bacaadka.

Intii uu shirku socday, waxaa diiradda lagu saaray dejinta qorshayaasha shaqo ee Guddiga Farsamada, qeexidda waajibaadka iyo masuuliyadaha xubnaha guddiga iyo dejinta Roadmap rasmi ah oo hagaya howlaha iyo tallaabooyinka lagu maareynayo bacaadka.

Wasaaradda ayaa sidoo kale soo bandhigtay waxqabadka iyo shaqooyinka ka socda deegaannada ay dhibaatada bacaadku saamaysay, qorshayaasha mudnaanta leh ee hortebinta u baahan, iyo dadaallada lagu xakamaynayo fiditaanka bacaadka.

Agaasimaha guud oo kelmad jeediyay ayaa xusay in lasii xoojinayo wada-shaqaynta hay’adaha dowladda iyo bahwadaagta, si loo hirgeliyo qorshe mideysan oo wax ku ool ah oo lagula tacaalayo fiditaanka bacaadka si loo ilaalinayo deegaanka iyo badqabka nolosha bulshada.

-DHAMMAAD-
-Xafiiska warfaafinta iyo xiriirka dadweynaha

Xarfo: 28 Aug 2026: Isu-duwaha Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbeddelka Cimilada ee Gobolka Mudug Maxamed Canjeex oo k...
28/08/2026

Xarfo: 28 Aug 2026: Isu-duwaha Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbeddelka Cimilada ee Gobolka Mudug Maxamed Canjeex oo kaashanaya Taliyaha Saldhigga Booliska Degmada Xarfo iyo hogaanka ilaalinta deegaanka ee booliska Puntland, ayaa maalmahan howlgallo ballaaran oo lagu xoojinayo ilaalinta deegaanka ka wada Degmada Xarfo iyo nawaaxigeeda.

Howlgalladaan ayaa si gaar ah diiradda loogu saarayaa la-dagaallanka xaalufinta deegaanka, ka-hortagga jarista dhirta iyo shidista dhuxusha, gaar ahaan goobaha ku dhow magaalada Xarfo iyo dhulka miyiga ah ee degmada.

Intii ay socdeen howlgalladu, mas’uuliyiintu waxay fariimo wacyigelin iyo digniin ah u direen qaybaha kala duwan ee bulshada, iyagoo ugu baaqay shacabka inay si buuxda uga qayb qaataan ilaalinta dhirta, deegaanka iyo khayraadka dabiiciga ah, isla markaana ay la shaqeeyaan hay’adaha dowladda ee u xilsaaran ilaalinta deegaanka.

Sidoo kale, waxaa digniin adag loo diray shakhsiyaadka iyo kooxaha ku howlan xaalufinta deegaanka iyo ganacsiga dhuxusha sharci-darrada ah, iyadoo loo caddeeyey in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo falalka waxyeellada u geysanaya deegaanka.

Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Ciidanka Booliska Puntland waxay ku boorrinayaan bulshada inay noqdaan indhaha iyo dhegaha ilaalinta deegaanka, in uu qof walba noqdo deegaan jire masuuliyadna uu iska saaro ilaalinta deegaanka, ayna soo gudbiyaan xog kasta oo la xiriirta xaalufinta, jarista dhirta iyo shidista dhuxusha.

Isuduwe Canjeex oo kelmad jeediyay ayaa sheegay;

“Deegaanku waa hanti ay wada leeyihiin bulshada maanta iyo jiilasha mustaqbalka. Qof kasta oo xaalufinaya deegaanka wuxuu dhaawacayaa nolosha bulshada, xoolaha iyo mustaqbalka jiilasha soo socda.

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimiladu waxay caddeynaysaa in ilaalinta deegaanka ay tahay masuuliyad wadajir ah ciidamada amniga, bulshada, dhalinyarada, ardayda iyo dhammaan dadka deegaanka waxaa laga rabaa inay masuuliyada iska saaran ilaalinta deeganaka”.

Sidoo kale isuduwaha ayaa sheegay in Howlgalladu ay sii socon doonaan, waxaana la xoojin doonaa tallaabooyinka lagu ilaalinayo deegaanka iyo ka-hortagga xaalufinta.

-DHAMMAAD-
-Xafiiska warfaafinta iyo xiriirka dadweynaha

28/08/2026

Rangeland Restoration in Waaciye

The Ministry of Environment, in collaboration with the Somalia Food Systems Resilience Project (FSRP), is currently undertaking a major rangeland restoration initiative in Waaciye District through an integrated soil and water conservation.

The initiative aims to restore over 3,200 hectares of degraded rangeland through integrated interventions, including erosion control, gully rehabilitation, soil and water conservation structures, and controlled resting of degraded areas to promote natural vegetation regeneration.

These interventions will contribute to reducing land degradation, improving water retention, restoring vegetation cover, enhancing rangeland productivity, and strengthening the resilience of pastoral communities to drought and climate change.

26/08/2026

Wasaarada Deegaanka ayaa ka qaybgashay kulanka dardargelinta Guddiga Hoosaadka Wasaaradaha Wax-soo-saarka, kaa oo diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha shaqo, xoojinta isku-xirka hay’adaha iyo kor u qaadista wax-soo-saarka, iyadoo si gaar ah looga hadlay arrimaha la xiriira deegaanka, xaalufka, bacaadka iyo caqabadaha kale ee saameynta ku leh khayraadka dabiiciga ah iyo adeegyada muhiimka ah.

Garoowe: 26 Aug 2026: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbeddelka Cimilada Puntland Shaafici Maxamuud ...
26/08/2026

Garoowe: 26 Aug 2026: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbeddelka Cimilada Puntland Shaafici Maxamuud Ismaaciil ayaa ka qaybgalay kulanka dardargelinta Guddiga Hoosaadka Wasaaradaha Wax-soo-saarka, kaas oo uu shir-guddoomiyay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland, Dr. Caarshe M. Siciid.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha shaqo, xoojinta isku-xirka hay’adaha iyo kor u qaadista wax-soo-saarka, iyadoo si gaar ah looga hadlay arrimaha la xiriira deegaanka, xaalufka, bacaadka iyo caqabadaha kale ee saameynta ku leh khayraadka dabiiciga ah iyo adeegyada muhiimka ah.

Sidoo kale, kulanka waxaa lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn, qorshayaasha horutebinta leh, si loo xaqiijiyo in howlaha mudnaanta leh ay si wax-ku-ool ah uga qaybqaataan horumarka, wax-soo-saarka iyo ilaalinta deegaanka Puntland.

-DHAMMAAD-
-Xafiiska warfaafinta iyo xiriirka dadweynaha

Bacaadweyn: 25 Aug 2026: Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbeddelka Cimilada oo kaashanaysa Ciidanka Booliska Puntland a...
25/08/2026

Bacaadweyn: 25 Aug 2026: Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbeddelka Cimilada oo kaashanaysa Ciidanka Booliska Puntland ayaa maanta hawlgal lagu xakamaynayo xaalufinta deegaanka iyo dhuxusha ka fulisay Degsiimada Bacaadweyn iyo nawaaxigeeda.

Hawlgalka waxaa hoggaaminayay Isuduwaha Wasaaradda ee Gobolka Mudug Maxamed Canjeex, iyadoo ay ka qayb ka ahaayeen Taliyeyaasha Saldhigyada Booliska ee degmooyinka Bacaadweyn iyo xarfo.

Hawlgalkan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Wasaaradda iyo laamaha amniga Puntland ay ku xoojinayaan ilaalinta khayraadka dabiiciga ah, ka hortagga jarista dhirta, dhuxulaysiga iyo falalka kale ee doorka weyn ka qaata nabaad-guurka deegaanka.

Intii uu hawlgalku socday, waxaa si gaar ah looga shaqeeyay ogaanshaha iyo joojinta goobaha loo adeegsado xaalufinta iyo waxyeellaynta deegaanka, iyadoo saraakiishu bulshada iyo dadka ku hawlan falalka sharci-darrada ah u caddeeyeen in aan loo dulqaadan doonin wax kasta oo ka hor imanaya xeerarka iyo awaamiirta dowladda ee ilaalinta deegaanka.

Wasaaraddu waxay ogeysiinaysa in qof kasta oo ku lugleh xaalufinta, jarista sharci-darrada ah ama fal kasta oo waxyeello u geysanaya khayraadka dabiiciga ah, loo marin doono habraaca sharciga, iyadoo lala kaashanayo laamaha amniga iyo hay’adaha ay khusayso.

Ugu dambeyn, Wasaaradda Deegaanka waxay ugu baaqaysaa bulshada Gobolka Mudug iyo guud ahaan bulshada inay door firfircoon ka qaataan ilaalinta deegaanka, isla markaana ay la shaqeeyaan hay’adaha dowladda si loo yareeyo xaalufinta iyo nabaad-guurka dhulka.

-DHAMMAAD-
-Xafiiska warfaafinta iyo xiriirka dadweynaha

Address

Garowe

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Puntland Ministry of Environment and Climate Change posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Puntland Ministry of Environment and Climate Change:

Shortcuts

Share