07/03/2026
Warbixin Kooban
Waxaa habeenkii xalay si rasmi ah uga furmay garoonka Cheif ee magaalada Garowe tartanka Koobka Dhalinyarada Xisbiga Himilo, kaas oo ay soo qabanqaabiyeen dhalinyarada xisbiga.
Tartankan ayaa ujeedkiisu yahay xoojinta midnimada, wadajirka iyo is-dhexgalka dhalinyarada ku bahoobay xisbiga Himilo, iyadoo sidoo kale loo marayo ciyaaraha lagu dhiirrigelinayo isbarasho, is-ixtiraam iyo wada shaqayn dhex marta dhalinyarada.
Furitaanka koobkan waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan xisbiga, taageerayaal iyo dhalinyaro badan, kuwaas oo muujiyay sida ay uga go’an tahay horumarinta iyo mideynta dhalinyarada xisbiga.
Ugu dambayn, tartankan ayaa la filayaa inuu noqdo mid kor u qaada iskaashiga iyo xiriirka wanaagsan ee dhalinyarada, isla markaana abuuraya jawi ay ku wada shaqeeyaan oo ku dhisan midnimo iyo himilo wadajir ah.