25/05/2026
Buraan: Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha DPL Mudane Siciid J. Cali Qoorsheel oo ay weheliyaan Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Beeraha DPL, Siciid Maxamed Warsame, Xildhibaan Mursal Maxamuud Cabdi, iyo Xiriiriyaha Mashruuca FSRP Maxamed Cismaan ayaa ka qayb galay kulan ka dhacay Xarunta Maamulka Degmada Buraan.
Kulanka waxaa sidoo kale goob-joog ka ahaa maamulka degmada oo ay kamid ahaayeen Duqa Degmada Buraan Jama Axmed Cabdi, ku-xigeenkiisa Naciimo Cali, Taliyaha Saldhigga, qaybaha kala duwan ee bulshada, iyo odayaasha degmada.
Masāuuliyiintu waxay dhegaysteen baahiyaha ay qabaan shacabka magaalada, iyagoo ka wada hadlay horumarinta adeegyada bulshada, xannaanada xoolaha, beeraha, iyo sidii looga faaāiidaysan lahaa mashaariicda Bangiga Adduunka ee laga fulinayo degaanka.
Ugu dambayn, wafdiga ayaa uga mahadceliyey shacabka degmada sida diirran ee ay usoo dhaweeyeen iyo marti-soorka wanaagsan ee ay muujiyeen.
--------------
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha DPL.
Facebook: https://www.facebook.com/Molahpl/
X: x.com/MOLAHR_PL
Website: www.molah.pl.so
Tiktok: https://www.tiktok.com/
Flickr: www.flickr.com/photos/molahpl1/