13/10/2024
Waa Maxay Golle Deegaan?
Gollaha Deegaanku Waa Koox dad ah oo loo doorto in ay u adeegaan Degmo kuwaas oo Xukuma Xaduud Cayiman oo ay la leedahay Degmooyin kale.
. Gollaha Deegaanka Waxaa soo doorta Shacabka Degmadaas ku nool sida ku cad Dastuurka Soomaaliyada iyo kuwa Dawlad Goboleedyada.
Waa Maxay Masuuliyadaha Gollaha Deegaanka?
Golaha degmadu waxa uu leeyahay awood buuxda oo uu ku fuliyo howlo ballaaran iyo adeegyo uu islamarkaasna u sameeyo bulshada ku dhaqan inta sharci ahaan maamulkiisa hoos timaadda, waxaana kamid ah.
1. Xoojinta iyo dhiirigelinta nabadda, deganaanshaha, kala damaynta/nidaamka, iyo kor u qaadidda fulinta ku dhaqanka sharciga
2. Dhiirigelinta kobcinta dhaqaalaha iyo horumarinta
3. Kor u qaadidda iyo danaynta daryeelka adeegyada bulshda sida, waxbarashada, caafimaadka, biyaha, korontada, nadaafadda, etc.
4. Daryeelidda iyo dhowridda degaanka, kaymaha/dhiraynta, xayawaanka iyo kaabayaasha dhaqaalaha.
5. Samanynta suuqyo lagu iibiyo alaabooyinka, xoolaha iyo kaluunka.
6. Hubinta dhismayaal cusub, iyo kuwa la cusboonaysiinayo ama u baahan in la dumiyo.
7. Ka hortagga iyo la dagaalanka dhibaatooyinka ka dhasha Macaluusha, duufaanada, dabka ba’an, iyo wax kasta oo kale oo sababa waxyeelada buslhada.
8. Daadguraynta dadweynaha marka dhibaato ay dhacdo
9. Halabuuridda iyo fulinta barnaamijyda iyo mashaariicda
10. Kor u qaadidda farshaxanka, ciyaaraha iyo dhaqanka
11. Dhisidda berkedaha biyaha ee magaalooyinka iyo xaafadaha
12. Dhismaha, hagaajinta iyo daryeelidda jidadka gudaha magaalooyinka degmada
13. Soo jeedinta iyo codsiga ogolaanshaha qorshayaasha magaalooyinka degmada
14. Diiwaan gelinta hantida ma guurtada ah ee dadka degan degmada iyo kuwa dowladda.
15. Samaynta iyo hagaajinta xarumo ganacsi iyo wax soo saar oo ay bulshadu isticmaasho
16. Dhiirigelinta qiimaha Islaanimada, ummadnimada, caalam ahaanba.
17. Diyaarinta, ogolaanshaha iyo dib u habaynta miisaaniyadda golaha degaanka.
18. Abuuridda mashaariic horumarineed ee miyiga iyo dhiirigelinta wax soo saarka gudaha.
19. Dhiirigelinta iyo kor u qaadidda mashaariicda iskaa wax u qabso
20. Hor u marinta howlaha xabaalaha/duugidda iyo astaynta meelo u gaar ah qabuuraha.
21. Diyaarinta goobo lagu nasto, wax lagu akhristo iyo kuwo wax lagu soo bandhigo.
22. Isu-dheelitirka heerarka shaqada loo baahanyahay iyo qorsheynta iyo qoondeynta shaqaalaha waaxyaha dowladda hoose iyadoo tixgelin la siinayo heerka shaqo iyo heerka degmo kasta.
23. Dhowrista iyo ilaalinta goobaha taariikhiga ah
24. Dhiirigelinta iyo maalgelinta ay u dhanyihiin dowladda iyo shirkadaha gaar ahaanta loo leeyahay ee howlaha adeegyada bulshada sida biyaha, korontada, iwm.
25. Kor u qaadidda iyo dhiirigelinta ka qaybgalka bulshada go’aamada maxaliga ah