08/05/2026
ππππ ππππππππ
πππ«π¨π°π: πππ² ππ, ππππ: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland waxay baaq nabadeed u diraysaa beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhex martay dooxada Laashimo ee deegaanka Carmale, Gobolka Sanaag.
Wasaaraddu waxay si weyn uga xun tahay colaadda iyo dirirta nasiib darrada ah ee dhex martay bulshada walaalaha ah, iyadoo ugu baaqaysa dhammaan dhinacyada inay si deg-deg ah u joojiyaan colaadda, kana shaqeeyaan nabad, wada hadal iyo xasillooni waarta.
Wasaaraddu waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa ehellada iyo qaraabada ay ka geeriyoodeen dadkii ku naf waayay dirirtaasi, iyadoo Alle uga baryaysa naxariistii Janno, inta dhaawacanna Eebbe u booga-dhayo.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxay cod dheer ugu baaqaysaa isimada dhaqanka, cuqaasha, culimada, haweenka, dhalinyarada iyo dhammaan qaybaha bulshada inay u guntadaan sidii ay dowladda ugala shaqayn lahaayeen joojinta colaadda, daminta xiisadda, iyo ilaalinta dhiigga muslimka ee daadanaya.
Sidoo kale, Wasaaraddu waxay bogaadinaysaa ciidamada dowladda iyo waxgaradka deegaanka ee ku howlan hirgelinta xabbad-joojinta, xakameynta colaadda iyo ka hortagga khasaare dheeraad ah.
Ugu dambayn, Wasaaraddu waxay ku adkaynaysaa dhammaan dhinacyada inay si degdeg ah u qaataan xabbad-joojin buuxda, islamarkaana u hoggaansamaan dadaallada nabadaynta iyo wada-hadallada ay dowladdu waddo. Wasaaraddu waxay ku boorrinaysaa bulshada in nabaddu tahay tiirka horumarka, dowladnimada iyo jiritaanka bulshada, isla markaana aysan jirin wax lagu beddeli karo wada noolaanshaha iyo walaaltinimada ummadda wada dhalatay ee wadaagta diin, dhaqan, dhiig, deegaan iyo taariikh dheer oo aan goβayn.
βͺοΈβͺοΈβͺοΈDHAMMAADβͺοΈβͺοΈβͺοΈ
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.
Website: moifad.pl.so
Facebook: https://www.facebook.com/Moifad.
Twitter https: https://x.com/MOIFAD.
Tiktok: https://www.tiktok.com/.
Instagram:https://www.instagram.com/moifad_dpl..