23/12/2013
Waxaa jira aragtiyaal fahamkoodu uu u saxmey aadamiga 20-kii sano ee ugu danbeeyey. Waxaa kamid ah qiimeynta labada awoodood ee kala ah awoodaha adag (Hard Powers) iyo awoodaha jilicsan (Soft Powers). Waxaa la maleyn jirey in awoodaha adag ay ka itaal iyo intifaacsi badan yihiin awoodaha jilicsan. Laakiin taasi waa ay beenowdey oo waxaa hubaal noqotey in awoodaha jilicsan ay yihiin kuwo weligood ka itaal iyo intifaacsi badnaa awoodaha adag. Tusaale-dhig waxaa ah biyaha oo matalaya awoodaha jilicsan iyo qarar-dhagaxeedka oo matalaya awoodaha adag. Labadaas awood waxaa itaal iyo intifaacsi roon biyaha. Waxaa u markhaati ah, korontada laga dhaliyo awoodda biyaha waxay ifisaa oo ka saartaa curyaannimada iyo cabsida uu gudcurku leeyahay, degmooyin waaweyn oo tobaneeye melyan oo qof ay ku nool yihiin. Waxaa kaloo awoodda korontada lagu intifaacsadaa socodsiinta wershado waaweyn oo wax soo-saar leh. Sidaas si lamid ah waxaa la maleyn jirey, wiilasha oo murqaha korkiisa ka muuqda awgood ku matalaya awoodaha adag in ay ka itaal iyo intifaacsi roon yihiin gabdhaha oo dufanka jirkooda ku badan awgeed lagu tirinayay awoodaha jilicsan. Waxaase caddaatey in wiilashu ayan si sahlan buufis ugu ridi karin gabadha. Gabdhuhuse si sahlan aya ragga ugu ridi karaan cudurro ay la curyaamaan. Bur-burkii Soomaaliya ku dhacay iyo doorka ay gabdhuhu ka qaateen badbaadadeeda, iyaduna waa daliil culus in gabdhuhu ka awood badan yihiin wiilasha. Waxaa kale oo tusaale ah, qofka maxbuuska ah ee laga doonayo in uu khabar sir ah sheego, haddii loo adeegsado awood adag (ciqaabid) iyo haddii loo adeegsado awood jilicsan (laaluush), war sax ah waxaa laga heli karaa markii loo adeegsado awood jilicsan. Dhanka siyaasadda markii la-eegoo, ciidamada dowladda iyo qalabkood oo matala awoodaha adag, iyo shacabka oo iyaguna matala awoodaha jilicsan, maluhu wuxuu ahaa in ciidanka iyo qalabkoodu uu yahay mid ka itaal roon shacabka. Laakiin kacdoomadii is-dabajoogga ahaa ee ka dhacay waddamada carabta sanadkii 2011-kii (Arab Spring), waxay muujiyeen ciidamadii xoogganaa ee ka dhisnaa waddamadaas in ay ka adkaadeen shacab fara-maran oo iyagu matalayay awoodaha jilicsan.
Musharax Dr. Sadiq Enow.