09/07/2026
Hoggaanka Ilaalinta Deegaanka ee Ciidanka Booliska Puntland, isagoo tixraacaya amarka ka soo baxay Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Puntland, wuxuu bulshada ku wargelinayaa inay u hoggaansamaan amarkan, isla markaana qaataan masuuliyadda ilaalinta deegaanka iyo ka fogaanshaha fal kasta oo sababi kara xaalufka dhirta.
Hoggaanka ilaalinta deegaanka ee ciidanka wuxu u taaganayhy yahay xaqiijinta hirgelinta shuruucda iyo awaamiirta Dowladda Puntland ee ku aaddan ilaalinta deegaanka.
Garoowe, July 9, 2026: Ciidanka Booliska Puntland ayaa mar kale ka digay soo gelinta iyo ka ganacsiga xaabada iyo dhuxusha laga soo saaro deegaannada Puntland, isagoo xusay in tallaabadan looga gol leeyahay ilaalinta deegaanka iyo ka hortagga xaalufka sii kordhaya ee dhirta.
Qoraal ka soo baxay Booliska ayaa lagu sheegay in amarkani ku saleysan yahay Qodobbada 8-aad iyo 16-aad ee Xeerka Ilaalinta Deegaanka Dawladda Puntland, isla markaana uu daba socdo cabashooyin la xiriira xaalufka ka socda qaar ka mid ah deegaannada Puntland.
Ciidanka Booliska Puntland ayaa faray dhammaan qaybaha kala duwan ee ciidanka inay adkeeyaan kormeerka gaadiidka lagu qaado xaabada iyo dhuxusha, isla markaana ay qabtaan cid kasta oo ku xadgudubta amarkan.
Ciidanka Booliska Puntland ayaa uga digaya dadka ku lugta leh arrimahan inay jebiyaan amarkan, isagoo caddeeyay in cid kasta oo lagu qabto soo gelinta ama ka ganacsiga xaabada iyo dhuxusha laga qaadi doono tallaabo waafaqsan sharciga.
- DHAMMAAD -