Madasha xal-doon

Madasha xal-doon Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Madasha xal-doon, Social service, Puntland, Garowe.

Madasha Xal-Doon waa madal u heellan ka shaqaynta horumarinta bulshada iyo xal u raadinta caqabadaha ka jira, iyadoo la dhiirrigelinayo wada-tashi, fikir cusub, iyo iskaashi waara.

The Crisis of Leadership in Puntland: The Failure of the Deni AdministrationPuntland is currently suffering under the fa...
13/04/2026

The Crisis of Leadership in Puntland: The Failure of the Deni Administration
Puntland is currently suffering under the failed leadership of President Said Abdullahi Deni, whose tenure has been defined by systemic corruption and a total lack of vision for our people. The contradictions of his administration are as blatant as they are damaging:
1. The Mogadishu Ambition
While Deni publicly presents himself as a champion of Puntland's autonomy, his true focus lies elsewhere. He has systematically drained Puntland’s internal revenue and resources, not to develop our region, but to fund his personal campaign to become the President of Somalia. He is essentially using Puntland as a "cash cow" to buy his way into power in Mogadishu, sacrificing our local stability for his federal aspirations.
2. Disrespecting the Pillars of Society
In a bizarre shift of priorities, the Deni administration has replaced traditional respect with a thirst for social media clout. While TikTokers from Mogadishu are given "VIP" treatment—whisked from the airport to Villa Puntland in minutes—the true backbone of our society is ignored. Our most respected intellectuals and traditional elders are forced to wait months for a simple meeting that never comes.
3. A Failed Policy
It has become clear that the greatest obstacle to Puntland’s progress is not an external threat, but the internal policies of the Deni administration. To secure a future for the next generation, Puntland must be liberated from a leadership that prioritizes personal political climbing and optics over the welfare and dignity of its citizens.Amiir Cabdi FataaxMohamed SalhDr. Guled SalahPuntland State HousePuntland ParliamentCiidanka Booliska Puntland

Hoggaanka Israa`iil ayaa sheegaya in hoggaamiyaha cusub ee Iran Mojtaba Ali Khamenie uu yahay nin aad uga mayal adag aab...
10/04/2026

Hoggaanka Israa`iil ayaa sheegaya in hoggaamiyaha cusub ee Iran Mojtaba Ali Khamenie uu yahay nin aad uga mayal adag aabihiis oo lagu dilay 28kii Feb duulaan wadajir ah oo ay qaadeen Mareykanka & Israa`iil.

Netanyahu ayaa sheegay in Mojtaba si weyn uga fog yahay aabihiis oo ku adag yahay go`aanada gaaridooda ilaa mustaqbalka halka loo jiheysanaya, aysana ka muuqan dabacsanaan & wada hadal dhab ah in uu diyaar u yahay.

Geeridii Khamenei ka dib, wadaadada ugu sarreeya Iiraan ayaa Mojtaba Khamenei, u magacaabeen inuu noqdo Hoggaamiyaha ruuxiga ah, inkasta oo uu inta badan ka maqnaa Shaashadaha warbaahinta haddana maareyntiisa ayaa ah mid ay shaki badan ka qabaan Mareykanka & Israa`iil oo ugu yeeray in nidaam adag uu dhaxlay Khamenie.

PUNTLAND: HOYGA ADKAYSIGA, IYO ILAALINTA SHARAFKA DEEGAANKAPuntland waa dhul leh taariikh adag oo ku dhisan geesinimo, d...
09/04/2026

PUNTLAND: HOYGA ADKAYSIGA, IYO ILAALINTA SHARAFKA DEEGAANKA

Puntland waa dhul leh taariikh adag oo ku dhisan geesinimo, dulqaad, iyo difaac joogto ah. Waa hoy ay dadkeedu mar walba u istaageen badbaadinta sharaftooda, diintooda, iyo jiritaankooda.

Xilligii adkaa ee taliskii militariga ee Siad Barre, dadka Puntland waxay ka mid ahaayeen kuwii u hor istaagay dulmiga, iyagoo muujiyay adkaysi iyo rabitaan xorriyadeed.

Sidoo kale, marxaladihii burburka kadib, Puntland waxay noqotay deegaan ay ka hanaqaaddo nidaam iyo kala dambayn, xilli ay meelo badan ka jireen fowdo iyo hubaysi. Waxay marar badan caddeysay in aysan aqbalin kooxo hubeysan ama fikrado qalafsan oo khatar ku ah bulshada.

Markii ay soo baxeen dhaqdhaqaaqyo hubeysan oo diinta ku gabbanaya, Puntland waxay ahayd meelihii ugu horreeyay ee si adag uga hortaga, si loo ilaaliyo amniga iyo nolosha shacabka. Dagaalladii ka dhacay buuraha Cal Miskaad iyo deegaannada sida Galmudug xuduudahooda u dhow, waxay muujiyeen in Puntland ay mar walba diyaar u tahay difaac.

Sidoo kale, kooxaha xagjirka ah sida Al-Shabaab iyo ISIS waxay Puntland kala kulmeen iska caabin adag, taasoo muujinaysa in deegaankaasi yahay meel aan u dulqaadanayn khataraha amni iyo fikir ee dibadda ka imanaya.

Maanta, fariinta Puntland waa mid cad:In la ilaaliyo midnimada shacabkaIn la difaaco xasilloonida iyo nidaamkaIn laga feejignaado faragelin kasta oo wiiqi karta jiritaanka deegaanka

Puntland ma aha meel lagu tijaabiyo dano siyaasadeed oo aan ka tarjumayn rabitaanka shacabka. Waa hoyga dad adkaysi leh oo leh awood ay ku difaacaan naftooda iyo mustaqbalkooda.

Midnimo, feejignaan, iyo isku duubni—waa jidka guusha.

Address

Puntland
Garowe

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Madasha xal-doon posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category