23/09/2025
إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّـا إِلَيْهِ رَاجِعونَ
Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelka, qaraabada, iyo shacabka Soomaaliyeed geerida naxdinta lahayd ee ku timid Gen. Ahmed Abdi Ali Qalyare, oo ku geeriyooday qarax miino isagoo difaacaya dalkiisa iyo dadkiisa.
Marxuumku wuxuu ahaa halyey u taagnaa ilaalinta qarannimada iyo amniga ummadda, dadaalkiisuna wuxuu astaan u ahaa geesinimada iyo wadaniyadda qofka Soomaaliyeed.
Alle ha u naxariisto, Jannatul Firdowsna ha ka waraabiyo. Qoyskiisa, ehelkiisa iyo shacabkaba Samir iyo iimaan ha ka siiyo.
Ameen