Hon Abdulkadir Geedi

Hon Abdulkadir Geedi The official Page of the Mayor of Garowe district.

29/05/2026

Duqa Caasimadda Garoowe Hon Abdulkadir Geedi ayaa si weyn ugu mahadceliyay dhammaan warbaahinta kala duwan ee door muuqda ka qaatay tabinta iyo baahinta Tartanka Caasimadaha Puntland ee calmiskaad cup.

Duqa ayaa mahad gaar ah u diray Sahal Cable TV iyo Danab Sports oo si heer sare ah u tebiyay tebinta tooska ah ciyaaraha una soo bandhigay shacabka quruxda iyo xiisaha tartanka.

Sidoo kale Duqa Caasimadda ayaa si gaar ah u bogaadiyay warbaahinta ka timid meelo fog fog oo dalka iyo dibaddiisa ah kuwaas oo u yimid si ay u baahiyaan tartanka gaar ahaan warbaahinta ka kala timid Hargaysa, Jigjiga, Xamar iyo guud ahaan meelo badan oo kale.

Wuxuu sidoo kale ammaanay warbaahinta Puntland iyo dhalinyaradii hal-abuurka lahaa ee TikTokers-ka ahaa kuwaas oo si firfircoon bulshada ula wadaagay muuqaallo iyo xogaha ciyaaraha isla markaana door weyn ka qaatay muujinta bilicda iyo xiisaha tartanka laga soo bilaabo furitaankii ilaa gabagabadii.

Ugu dambeyn Duqa Caasimadda ayaa xusay in wada shaqeynta warbaahinta iyo bulshada ay laf-dhabar u tahay horumarinta ciyaaraha iyo xoojinta isku xirnaanta bulshada.

MAHADCELIN : Ugu horrayn waxaan mahad u celinayaa ALLAAH SWT oo noo fududeeyay qabsoomidda iyo dhammaadka tartanka koobk...
29/05/2026

MAHADCELIN :

Ugu horrayn waxaan mahad u celinayaa ALLAAH SWT oo noo fududeeyay qabsoomidda iyo dhammaadka tartanka koobka Caasimadaha Puntland ee Calmiskaad Cup.

Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa Wasaradda Dhallinyarada ,Ciyaaraha iyo Dalxiiska - Puntland iyo Xiriirka Kubadda Cagta Puntland oo dadaal weyn geliyay qabsoomidda Tartanka .

Sidoo kale Waxaan mahadcelinayaa Gudoomiyaha Gobolka Bari Mudane Maxamed Ibraahin Xaaji Duqa degmada Boosaaso Mudane Abdirahman Abdullahi Ali iyo guud ahaan shacabka magaalada Boosaaso oo sanadkan si heer sare ah u martigeliyay tartanka.

Waxaan sidoo kale bogaadin u dirayaa dhammaan sagaalka caasimadood ee ka qeyb galay tartanka, kuwaas oo soo bandhigay ciyaaro qurux badan tartan wanaag iyo isdhexgal bulsho oo sare u qaaday sumcadda ciyaaraha Puntland.

Hambalyo iyo bogaadin gaar ah ayaan u dirayaa Xulka Kubadda Cagta Caasimadda Garoowe oo ku guuleystay koobka tartanka. Guushan taariikhiga ah waxay ku timid dadaal isku duubni iyo karti ay muujiyeen ciyaartooyda macallimiinta iyo dhammaan taageerayaasha xulka. Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa shacabka Garoowe taageerayaashii gudaha iyo dibadda iyo cid kasta oo garab istaagtay xulka caasimadda.

Dhanka kale shacabka Puntland waligood ma hilmaami doonaan naf-hurnimada ciidamada geesiyaasha Puntland ee ku sugan furimaha dagaalka Argagixisada. Waxaan Alle uga baryayaa naxariistii Janno dhammaan ciidamadii shuhadada ahaa, Waxaan caafimaad u rajeynayaa ciidamadii ku dhaawacmay dagaallada.

Ugu dambayn waxaan bogaadin iyo duco u dirayaa ciidamada weli ku sugan jiidaha h**e ee dagaalka oo habeen iyo maalin u taagan difaaca shacabka Puntland.

Ciid Wanaagsan waxaan ummadda soomaaliyeed iyo dhammaan Muslimiinta ugu hambalyeynayaa munaasabadda barakaysan ee Ciidul...
27/05/2026

Ciid Wanaagsan waxaan ummadda soomaaliyeed iyo dhammaan Muslimiinta ugu hambalyeynayaa munaasabadda barakaysan ee Ciidul Adxaa

26/05/2026

Ciid Wanaagsan

25/05/2026

Waxaan u hambalyeeynaynaa Kooxda kubadda cagta ee degmada Garoowe oo ku guuleysatay tartanka caasimadaha Puntland ee Calmiskaad Cup, oo galabta kusoo gabagaboobay garoonka kubadda cagta ee Shuhaadada Stadium ee magaalada Boosaaso, sidoo kale waxaan iyana boggaadinaya degmada Qardho oo dadaalay oo yimi kaalinta Labaad.

Ciyaaaruhu waxay ka qeyb qaataan isdhexgalka bulshada , horumarka iyo nabadgelyada, Koobkana wuxuu ku suntanaa miraha halgankii Calmiskaad oo Dowladda iyo Shacabka Puntland oo isku duuban ka wada qeyb qaateen.

Waxaan boggaadinayaa masuuliyiinta Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Xiriirka Ciyaaraha, Ciidamada Amniga sugayey, Maamulka Gobolka Bari, Kan degmada Boosaaso, Ciyaartooyda iyo dhammaan dhinacyadii kawada qeyb qaatay sida warbaahinta iyo taageerayaasha ciyaaraha ee sida weyn u qurxiyey tartanka.

Hambalyo

25/05/2026

Waxaan bogaadinayaa Degmada Qardho oo dadaal weyn muujisay kuna guuleysatay kaalinta labaad. Guushu mar walba ma aha koobka oo kaliya.

Ciyaaaruhu waxay ka qeyb qaataan isdhexgalka bulshada , horumarka iyo nabadgelyada

25/05/2026
Hambalyo Xulka Caasimadda Garowe oo ku guuleystay tartanka Calmiskaad Cup.Fardahu waa horaanta
25/05/2026

Hambalyo Xulka Caasimadda Garowe oo ku guuleystay tartanka Calmiskaad Cup.

Fardahu waa horaanta

GUUL INSHA ALLAH
25/05/2026

GUUL INSHA ALLAH

Address

Garowe

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hon Abdulkadir Geedi posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Hon Abdulkadir Geedi:

Share