18/06/2026
Maxk**adda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Danbiyada Culus ee Dowladda Puntland ayaa xukun k**a danbays ah ku ridday Cabdikhadar Bedel Xaraare, iyadoo ku xukuntay saddex (3) sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo dhan $2,500 (Laba Kun iyo Shan Boqol oo Doollar).
Cabdikhadar Bedel Xaraare ayaa h**e loogu helay inuu dilay Marxuumad Duniyo Cabdulqaadir Xasan, waxaana Maxk**adda Sare ee Racfaanka ay horay ugu xukuntay dil toogasho ah, kaas oo ahaa qisaasta marxuumadda.
Kadib, waxaa Maxk**adda Sare hor yimid ehelada Marxuumad Duniyo Cabdulqaadir Xasan iyo qoyska Cabdikhadar Bedel Xaraare, kuwaas oo maxk**adda ka hor sheegay inay ka heshiiyeen dhibkii dhacay, isla markaana ay kala qaateen magtii marxuumadda.
Labada dhinac ayaa sidoo kale maxk**adda ka codsaday in la tixgeliyo heshiiska ay gaareen, isla markaana Cabdikhadar Bedel Xaraare laga qaado xukunkii qisaasta ahaa.
Ugu dambayn, Maxk**adda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Danbiyada Culus ee Dowladda Puntland ayaa, iyadoo tixraacaysa heshiiska labada dhinac iyo ka tanaasulka qisaasta, ku xukuntay Cabdikhadar Bedel Xaraare saddex sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo dhan $2,500.
DHAMAAD,