06/05/2026
GALDOGOB: 06 May-2026; Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Faarax (Dujaana), ayaa degmada Goldogob ee gobolka Mudug kaga qayb galay kulan Amni oo muhiim ah, kaas oo la xiriiray heshiis ay odayaasha dhaqanku ka gaareen dhacdo dil ah oo shalay gelinkii dambe ka dhacday degmadaas.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qayb galay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug, Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Mudug, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan hay’adaha amniga iyo garsoorka. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xasillinta xaaladda iyo sidii loo xoojin lahaa nabadgelyada, kadib dhacdadii dilka ahayd ee dhex martay laba beelood oo deegaanka ah.
Wasiir ku-xigeenka Amniga, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Dujaana, ayaa si gaar ah u bogaadiyay doorka odayaasha dhaqanka ee nabadaynta iyo xalinta khilaafaadka, isagoo xusay in ay laf-dhabar u yihiin ilaalinta xasilloonida bulshada. Wuxuu ku baaqay in dhammaan dhinacyadu ka shaqeeyaan nabadda, wada noolaanshaha, iyo ka fogaanshaha wax kasta oo keeni kara colaad hor leh.
Odayaasha dhaqanka ayaa ku guuleystay in ay gaaraan heshiis hordhac ah, kaas oo lagu go’aamiyay in si degdeg ah loo aaso marxuumka, C/nuur Cumar Aw-Muuse, iyadoo eedeysanaha falkaasi uu weli maqan yahay. Tallaabadan ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah dejinta xaaladda iyo ka hortagga xiisad hor leh oo ka dhalata dhacdada.
Ugu dambeyn, mas’uuliyiinta ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga ka dhexeeya hay’adaha amniga, garsoorka, iyo bulshada si loo ilaaliyo nabadda iyo kala dambeynta gobolka.
▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎
---XAFIISKA WARFAAFINTA IYO WACYIGELINTA WASAARADDA AMNIGA IYO DDR-TA DAWLADDA PUNTLAND---.