23/05/2026
https://www.facebook.com/100063818460907/posts/1528405599296708/?app=fbl
Ninkan tolkiina waa ceebeyey, isna waa is ceebeeyey. Ninkan waxa uu sheegay in gabar uu qabay oo uu reerkeeda oo Isaaq ah cayn jirey ay kala tageen oo Isaaq ka dambeeyey. Waxa kale oo uu sheegay in ay ka cancel-gareeyeen scholarship uu ka helay jaamacad dibadda ah. Mid saddexaad buu sheegay oo ah in nin Isaaq ah ka eryey shaqo uu World Bank ka hayey.
Su'aalahan baa ku soo dhacay maskaxdayda oo ka dhashay qoraalkiisa:
1. Horta inta aan la gaarin oo la xaqiijin in gabadha qabiilkeedu kaa furay (oo dabcan ah wax aan suurtagal ahayn in qabiil dhan nin ka furaan naag), adigu sidee gabadha reerkeeda ay kaaga suurtagashay in aad caydo? Yacni, gabadha aabbeheed, hooyadeed, walaalkeed, walaasheed in aad aflagaaddeyso? Si kale haddii aan u dhigno, sidee damiirkaagu kuu siiyey in aad soddoggaa, soddohdaa, seeddigaa, dumaashidaa iyo xididkaa oo dhan in aad aflagaaddeyso? Waadiga leh wax aan dhaqan Soomaaliyeed ahayn bay igu la dhaqmeen, markaa in aad xididkaa caydo, ma dhaqan Soomaaliyeed baa?
2. Tan jaamacadda soo adigii hadda ka hor yiri " markii jaamacadda la tusay in aan Laascaanood ka wado kacdoon aan Somaliland ku la dagaallamaayo ee reer Somaliland igu dacweeyeen ee ay jaamacaddu iga cancel-gareysay scholarship-kii aan haystay, baa waxa isoo wacay Axmed Ismaaciil oo ah maalqabeenka leh World Remit oo ah nin Isaaq ah oo weliba Muuse Biixi oo aan maamulkiisa ku kacsana Habar Awal isla yihiin oo inta uu iga raalligelyey arrinkaa igu yiri dal kasta oo dunida ka mid ah ka soo raadso jaamacad aniga baa kaa bixinaaya lacagta/tuition."
Markaa niman aad dagaallamaysaan haddii qaar ka mid ah adiga ku la safteen, oo gobannimada intaas le'eg kuu muujiyeen, waxa kale ee aad ka tabanaysaa waa maxay? Xataa haddii ay kaa soo wada hor jeedaan, xaquuqda aad ku leedahay in ay kuu damqadaan maxay tahay?
3. Tan ah nin Isaaq ah baa shaqo iga eryey, labo nin oo ilma adeer ah baa shaqo iska erya ama wax ka weyn ku kala taga. Noloshaada oo dhan hal shaqo, maxaa ku xidhay, maad shaqo tagto oo meel kale shaqo ka raadsato?
FG: ninkan waa Dhulbahante.