Maxkamadda Sare ee Dawladda Puntland

Maxkamadda  Sare ee Dawladda Puntland Official page, Puntland Supreme Court ( Maxkamadda Sare ee Puntland)

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dawladda Puntland Mudane Xasan Yuusuf Nuur ayaa goobjoog ka noqday dhaarinta Maxkamadda S...
20/04/2026

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dawladda Puntland Mudane Xasan Yuusuf Nuur ayaa goobjoog ka noqday dhaarinta Maxkamadda Sarre iyo Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus.

Garoowe- 18-Apr-2026: Guddiga Sare ee Maamulka Garsoorka Dowladda Puntland  oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Maxkamadda sa...
18/04/2026

Garoowe- 18-Apr-2026: Guddiga Sare ee Maamulka Garsoorka Dowladda Puntland oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Maxkamadda sare, Mudane; XasanYuusuf Nuur ayaa kulan kula qaatay Xarunta dhaxe Garsoorka, Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Arrimaha Diinta, Dastuurka & Dhaqancelinta Dowladda Puntland oo ay weheliyaan Wasiir kuxigeenka iyo Wasiir Dowlaha Wasaaradda.

Kulankan oo ujeeddadiisu ahayd is barasho Wasiirada cusub iyo bahda Garsoorka.
Kulanka oo guul kusoo dhammaaday ayaa looga wada hadlay xoojinta iyo kor u qaadista adeegga Garsoorka iyo Caddaaladda.

05/04/2026

Hadal Jeedinta Gudoomiye kuxigeenka Maxkamadda Sare Mudane Axmed Shiikh Cumar ee xilwareejinta Wasiirka Cadaaladda DPL.

Garoowe: 15-02-205: kusimaha Gudoomiyaha ahna Gudoomiye kuxigeenka Maxkamadda sare ee DPL Mudane Axmed Shiikh Cumar ayaa...
15/02/2026

Garoowe: 15-02-205: kusimaha Gudoomiyaha ahna Gudoomiye kuxigeenka Maxkamadda sare ee DPL Mudane Axmed Shiikh Cumar ayaa shir gudoomiyey kulanka Guddiga saree e Maamulka Garsoorka Dawladda Puntland oo maantay ka dhacay xarunta Maxkamadda sare ee magaalada Garoowe.

Kulanka ayaa looga hadlay dardargelinta howlaha Garsoorka sanadka cusub ee 2026,ruqsaynta shaqaalaha ka tagay Garsoorka iyo joogtaynta kulamadda guddiga saree ee Maamulka Garsoorka DPL.

DHAMAAD

Ka jawaabid  Eedaymo aan sal iyo raad lahayn ee Hay'adaha Garsoorka Dowladda Puntland.
29/12/2025

Ka jawaabid Eedaymo aan sal iyo raad lahayn ee Hay'adaha Garsoorka Dowladda Puntland.

26/12/2025

Guddiga Sare ee Maamulka Garsoorka dawladda Puntland ayaa soo gabogeeyey kormeer shaqo iyo uu kuurgal ay ku samaynayeen xarumaha Garsoorka gobolada Puntland.

26/12/2025

Hadal jeedinta Garsoore Siciid Axmed Faarax oo kamid ah guddiga sare ee Maamulka Garsoorka dawladda Puntland.

Gaalkacyo-26-Dec-2024:-Guddiga Sare ee Maamulka Garsoorka dawladda Puntland ayaa soo gabogeeyey kormeer shaqo iyo uu kuu...
26/12/2025

Gaalkacyo-26-Dec-2024:-Guddiga Sare ee Maamulka Garsoorka dawladda Puntland ayaa soo gabogeeyey kormeer shaqo iyo uu kuurgal ay ku samaynayeen xarumaha Garsoorka gobolada Puntland.

Kormeerka oo soo bilowday 15-December-2025 ayaa guddigu waxaa ay ka bilaabeen magaalada Garoowe ee caasimadda dawladda Puntland,waxaana ay safaro ugu baxeen gobolada Puntland.

Waxaa kormeer iyo u kuurgal ku sameeyey xarumaha Garsoorka gobolada iyagoo warbixino ka dhegaystay masuuliyiinta Garsoorka Puntland.

Waxaa sidookale guddigu baaris ku sameeyey galalka dacwadaha ee yaala xarumaha Garsoorka,iyagoo sidookale cabashada dadweynaha dhageystay.

- DHAMMAAD –

Wixii faah-faahin ah kala xiriir:
Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyigelinta Golaha Garsoorka Dowladda Puntland.
📧 [email protected]
🌐 https://judiciary.pl.so/
[ ] 📍 Garoowe, Puntland, Somalia

25/12/2025

(Daaw)-Guddiga sare ee Maamulka Garsoorka Dawladda Puntland ayaa maantay kormeer shaqo ku tagay xarunta Garsoorka Degmada Buurtinle.

Guddiga sare ee Maamulka Garsoorka Dawladda Puntland ayaa maantay kormeesh shaqo ku tagay xarunta Garsoorka Degmada Buur...
25/12/2025

Guddiga sare ee Maamulka Garsoorka Dawladda Puntland ayaa maantay kormeesh shaqo ku tagay xarunta Garsoorka Degmada Buurtinle.

25/12/2025

Guddiga sare ee Maamulka Garsoorka Dawladda Puntland ayaa maantay kormeesh shaqo ku tagay xarumaha Garsoorka magaalada Gaalkacyo.

Guddiga sare ee Maamulka Garsoorka Dawladda Puntland ayaa kulan kula qaatay xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda ee ma...
23/12/2025

Guddiga sare ee Maamulka Garsoorka Dawladda Puntland ayaa kulan kula qaatay xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda ee magaalada Garoowe madaxda Wasaaradda Maaliiyadda dawladda Puntland.

Kulanka ayaa ku saabsanaa is xog waraysi guud iyo kor u qaadidda wada shaqaynta Wasaaradda Maaliyadda DPL iyo Guddiga saree e Garsoorka Dawladda Puntland.

Shirka ayaa lagu falan qeeyey bixinta qoondada miisaaniyadda Garsoorka iyo sidii loo joogtayn lahaa xuquuqaha madaxda iyo hawl wadeenada Garsoorka,u qareemida sidii miisaaniyad loogu heli lahaa Degmooyinka Buraan, Ufayn iyo Bursalax oo guddiga sare u qorshaysnaa sanadka 2026 in ay ka hirgaliyaan Adeegga Garsoorka.

Sidookale kulanka ayaa looga hadlay u qaareemida iyo mudnaansiinta horumarinta xarumaha Garsoorka Dalka,in labada hay’adood yeeshaan kormeero wada jir ah oo la xiriira ilaha dakhliga Garsoorka iyo dhismaha guddiga xalinta khilaafadka iyo dacwadaha cashuuraha.

Kulankan oo ka qabsoomay xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda waxaa ka qayb galay Guddiga sare ee Maamulka Garsoorka Dawladda Puntland,Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ayna weheliyaan Wasiirku xigeenka dakhliga iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda.

Address

Garoowe

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Maxkamadda Sare ee Dawladda Puntland posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share