17/03/2026
Bilashada Bisha Soonfureed Falaki Ahaan
Bismillaah, barri subax oo Arbaco ah bishu waxay noqon badku-jiif, oo qorraxda ayay xoogaa ka soo hooraynaysaa, ishana laguma arki karo.
Subaxda Khamiista haddaan eegno waxay noqonaysaa dubbad,oo qorraxda ayaa daqiiqado ka soo horraynaysa.
Haddaba galabta Jimcadu soo galayso Khamiistuna baxayso bishu qorraxda waxay ka danbaynaysaa gayiga Soomaaliyeed inta ugu badan 24 daqiiqo, oo u dhiganta 6 darajo.
Waxaan ognahay wakhtiga ugu yar ee kolka cirku saafiga yahay il qura bisha lagu arki karo in uu yahay 28 daqiiqo in ay qorraxda ka danbayso, oo u dhiganta 7 darajo.
Waxaan kaloo ognahay in wakhtiga ugu yar ee telescope-yada lagu arki karo bisha uu yahay 20 daqiiqo in ay qorraxda ka danbayso,oo u dhiganta 5 darajo.
Haddaba bisha galabnimada Jimcadu soo galayso, Khamiistuna baxayso isha oo qura laguma arki karo, waxaase lagu arki karaa telescope-ka ama qalabka wax soo dhaweeya.
Galabta Sabtidu soo galayso, Jimcaduna baxayso ayaa isha lagu arki karaa bisha; waxayna ku bilandoontaa godka Meecaad/Farangaag, oo ka tirsan rugta/mooro Nimiriga.
Telescope-ahaanna bisha waxay bilanaysaa galabnimada Khamiistu baxayso Jimcaduna soogalayso; waxayna ku bilan godka Raba-danbe/Duugato.
Culimadu maxay ka yiraahdeen telescope-ka?
Culimada qaybi waxay leedahay waa la cuskan karaa marka laga reebo kan sawirrada qaada ee isku ragrakiba; oo waxay leeyihiin waa la kaalmaystay uune isha ayaa wax lagu arkay, wuxuuna soo galayaa mafhuumkq xadiiska aragti ku afura aragtina ku sooma.
Qaybta kalena waxay leeyihiin ma bannaana,oo waa in isha oo qura lagu arkaa; sababtoo ah iyada ayaa xilligii nabiga NNKH la adeegsanayay, xadiiska ah aragti ku sooma aragtina ku afurana ku qotomaa.