Naadiga akhriska ee IQRA - Garbahaarrey, Gedo.

Naadiga akhriska ee IQRA - Garbahaarrey, Gedo. Naadi akhris oo xaruntiisu ay tahay Garbaharrey, arday dugsiyana ay ka Xubno yihiin.

Ku Soo Dhowaada Barnaamij Diini Ah Oo Muhiim Ah!  Aqriska & Qoraalka Ee Iqra wuxuu galabta gudaha maktabadda ku qabanaya...
28/11/2025

Ku Soo Dhowaada Barnaamij Diini Ah Oo Muhiim Ah!

Aqriska & Qoraalka Ee Iqra wuxuu galabta gudaha maktabadda ku qabanayaa Barnaamij Diini ah oo muhiim ah, laguna magacaabo:
*l“Barnaamijka Waxqabadka ee Gudashada Cibaadooyinka”

Waxaa soo jeedinaya: Sh. Mahamed Hasan Yusuf
Barnaamijku wuxuu si qoto dheer uga hadlayaa muhiimadda cibaadooyinka, sida loo guto iyo kaalinta ay ku leeyihiin nolosha Muslimka.

Fursad weyn oo aad ku baran karto:
- Sida saxda ah ee cibaadada loo gudanayo
- Sida nolosha looga dhigo mid cibaado ku dhisan
- Qorsheyn iyo faham dhab ah oo ku saabsan xiriirka Alle

Waqtiga: 4:00 galabnimo
Maalinta: Khamiis, Nov 27, 2025
Goobta: Hotel Mumtaaz

Ha moogaan fursaddan! Ku casuum saaxiibadaa iyo qoyskaagaba.

.

Warbixin: Barnaamij Diini Ah oo Laga Faa’iiday Badan Shalay GalabShalay galab oo ahayd Khamiis, 27-ka November 2025, wax...
28/11/2025

Warbixin: Barnaamij Diini Ah oo Laga Faa’iiday Badan Shalay Galab

Shalay galab oo ahayd Khamiis, 27-ka November 2025, waxaa gudaha Maktabadda lagu qabtay barnaamij diini ah oo la magac baxay:
"Barnaamijka Waxqabadka ee Gudashada Cibaadooyinka"
Barnaamijkan oo ay soo agaasimeen"Naadiga Aqriska & Qoraalka Ee Iqra", waxa jeediyay Sh. Mahamed Hasan Yusuf.

Qodobbada muhiimka ah ee laga faa’iiday:
- Muhiimadda cibaadada ee nolosha Muslimka
- Qaabka saxda ah ee loo guto salaadda, soonka, zakaatka iyo cibaadooyinka kale
- Sida loo qorsheeyo nolol diini ah oo joogto ah
- Isku-xirka qalbiga iyo Alle (SWT)

Sheekh Mahamed Hasan wuxuu si qiiro leh u sharraxay sida qofka Muslimka ah uu uga dhigi karo cibaadada tiirka ugu weyn ee noloshiisa. Wuxuu ku boorriyay dhallinyarada in ay yeeshaan nidaam nololeed diini ah.

Ka qaybgalayaashii madasha ayaa si weyn u mahadceliyay, waxaana dareenkoodii ka muuqatay inuu ahaa barnaamij guuleystay oo laga dhaxlay wax weyn.

📷 Hoos ka daawo sawirradii barnaamijka.

* *

Ku Soo Dhowaada Barnaamij Diini Ah Oo Muhiim Ah!Naadiga Aqriska & Qoraalka Ee Iqra wuxuu galabta gudaha maktabadda ku qa...
27/11/2025

Ku Soo Dhowaada Barnaamij Diini Ah Oo Muhiim Ah!

Naadiga Aqriska & Qoraalka Ee Iqra wuxuu galabta gudaha maktabadda ku qabanayaa Barnaamij Diini ah oo muhiim ah, laguna magacaabo:
*l“Barnaamijka Waxqabadka ee Gudashada Cibaadooyinka”

Waxaa soo jeedinaya: Sh. Mahamed Hasan Yusuf
Barnaamijku wuxuu si qoto dheer uga hadlayaa muhiimadda cibaadooyinka, sida loo guto iyo kaalinta ay ku leeyihiin nolosha Muslimka.

Fursad weyn oo aad ku baran karto:
- Sida saxda ah ee cibaadada loo gudanayo
- Sida nolosha looga dhigo mid cibaado ku dhisan
- Qorsheyn iyo faham dhab ah oo ku saabsan xiriirka Alle

Waqtiga: 4:00 galabnimo
Maalinta: Khamiis, Nov 27, 2025
Goobta: Hotel Mumtaaz

Ha moogaan fursaddan! Ku casuum saaxiibadaa iyo qoyskaagaba.

.

NAADIGA AKHRISKA &QORAALKA Garbahaaray Maanta waxaan ku faraxsanahay inaan ku soo dhawayno Sheekh Maxamed Xasan Yuusuf (...
26/11/2025

NAADIGA AKHRISKA &QORAALKA Garbahaaray Maanta waxaan ku faraxsanahay inaan ku soo dhawayno Sheekh Maxamed Xasan Yuusuf (Dhagawayne) oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee qurbo-joogta ah, kuna caan ah faafinta aqoonta, wacyigelinta dhalinyarada iyo dhiirrigelinta bulshada. Kulanka maanta wuxuu ka dhacay gudaha Maktabadda Dadweynaha ee Garbahaaray, waxaana kasoo qeyb galay xubno kamid ah Naadiga Akhriska & Qoraalka.
Kulanku wuxuu ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, waxaana sheekhu nala wadaagay:

Waano muhiim ah,Talooyin nololeed,
Tusaalooyin waaya-aragnimo oo dhaxal-gal ah,Dhiirrigelin ku saabsan akhriska, waqtiga iyo horumarinta nafta.

Waxaan sidoo kale ku faraxsanahay inaan bulshada ugu sheegno in inta uu sheekhu joogo magaalada Garbahaaray uu qaban doono:

Muxaadirooyin aqooneed,Barnaamijyo wacyigelin iyo wax-tar leh,Booqasho dhammaan iskuullada degmada si uu ardayda ula wadaago wacdi, dhiirrigelin iyo talooyin waxtar leh.

Naadiga Akhriska & Qoraalka ayaa ku faraxsan inuu martigeliyo culumada, qorayaasha, iyo aqoonyahannada bulshada wax kusoo kordhinaya. Kulankii maanta wuxuu qeyb ka yahay waajibaadka naadiga ee kor u qaadidda akhriska, aqoonta iyo hogaaminta dhalinyarada.

Soo dhawoow Sheekh Maxamed Xasan Yuusuf (Dhagawayne),
Kusoo dhawoow magaalada aqoonta iyo xadaaradda ee Garbahaaray.

Waxqabadka Naadiga waa socda – Aqoon kororsi & horumar bulsheed.

𝐊𝐔𝐋𝐀𝐍 𝐖𝐀𝐂𝐘𝐈𝐆𝐄𝐋𝐈𝐍 𝐀𝐇 – 𝐃𝐎𝐎𝐑𝐀𝐒𝐇𝐀𝐃𝐀 𝐊𝐔𝐋𝐋𝐈𝐘𝐀𝐃𝐀𝐇𝐀 & 𝐅𝐔𝐑𝐒𝐀𝐃𝐀𝐇𝐀 𝐃𝐄𝐄𝐐𝐀𝐇𝐀 𝐖𝐀𝐗𝐁𝐀𝐑𝐀𝐒𝐇𝐎Shalay, waxaa Maktabadda Guud ee Dadweynaha G...
09/11/2025

𝐊𝐔𝐋𝐀𝐍 𝐖𝐀𝐂𝐘𝐈𝐆𝐄𝐋𝐈𝐍 𝐀𝐇 – 𝐃𝐎𝐎𝐑𝐀𝐒𝐇𝐀𝐃𝐀 𝐊𝐔𝐋𝐋𝐈𝐘𝐀𝐃𝐀𝐇𝐀 & 𝐅𝐔𝐑𝐒𝐀𝐃𝐀𝐇𝐀 𝐃𝐄𝐄𝐐𝐀𝐇𝐀 𝐖𝐀𝐗𝐁𝐀𝐑𝐀𝐒𝐇𝐎
Shalay, waxaa Maktabadda Guud ee Dadweynaha Garbahaarrey lagu qabtay kulan muhiim ah oo ay si wadajir ah u soo agaasimeen Naadiga Akhriska & Qoraalka iyo Maktabadda Guud ee Garbahaarrey.

Kulankan wuxuu ahaa mid loogu talagalay ardayda fasalka 4-aad ee dugsiyada sare, iyadoo diiradda lagu saaray:
Doorashada kulliyadaha ku habboon ardayga
Helidda fursadaha deeqaha waxbarasho
Sida loo sameeyo qorshe waxbarasho oo mustaqbal fog
Iyo dhiirrigelinta in ardaydu qaataan go’aanno xog ogaal ah

Waxaana soo jeediyay khubaro iyo martigelin qiimo leh oo ay ka mid ahaayeen:

• Juweyriya Maxamuud Maxamed – Guddoomiyaha Naadiga Akhriska & Qoraalka Banaadir

• Cabdullaahi Sh. Cabdi Maxamed – Agaasimaha Maktabadda Guud ee Baardheere

Kulankan wuxuu qayb ka yahay dadaalka joogtada ah ee naadigu ku horumarinayo aqoonta, hufnaanta go’aan qaadashada ardayda, iyo kor u qaadidda aqriska & qoraalka bulshada Garbahaarrey.

Ujeedka guud wuxuu ahaa in ardayda lagu wacyigeliyo si ay mustaqbalkooda u qaabeystaan iyadoo laga caawinayo fahamka kulliyadaha, shuruudaha deeqaha waxbarasho, iyo sida loo helo fursado dibadeed.

Faa’iidada laga helay waxaa ka mid ahaa:

• Arday badan oo helay talo toos ah

• Fahan ballaaran oo ku saabsan sida loo doorto kuliyadda saxda ah

• Tusaalooyin ku saabsan sida loo diyaariyo codsiyada deeqaha

• Dhiirrigelin iyo kalsooni cusub oo ku saabsan hannaanka tacliinta sare

Naadiga Akhriska & Qoraalka wuxuu mar walba u taagan yahay kor u qaadidda aqoonta, hoggaaminta dhallinyarada, iyo dhisidda bulsho wax akhrisa oo wax qorta.

Kulankii Isbarasho & Soo-dhaweynta –Naadiga Akhriska iyo Qoraalka ee Iqra – Garbaharrey ayaa 7-da Nofeembar 2025 ku qabt...
08/11/2025

Kulankii Isbarasho & Soo-dhaweynta –

Naadiga Akhriska iyo Qoraalka ee Iqra – Garbaharrey ayaa 7-da Nofeembar 2025 ku qabtay hoolka Mumtaas kulan isbarasho iyo soo-dhaweyn ah oo lagu casuumay Guddiga Maktabadda Dadweynaha Baardheere oo uu hoggaaminayay Mudane Cabdullaahi Cabdi Maxamuud.

Sidoo kale, waxaa kulanka ka soo qayb-gashay Marwo Juweyriya Maxamuud Mohamed, guddoomiyaha Naadiga Akhriska ee Banaadir.

Kulanka waxaa lagu lafa-guray qodobo muhiim ah, oo ay ka mid yihiin:

• Horumarinta maktabadaha dalka,

• Xoojinta dhaqanka akhriska iyo qoraalka,

• Dhisidda xiriir iskaashi oo joogto ah oo u dhexeeya naadiyada iyo maktabadaha.

Waxaana la isku afgartay in la dardargeliyo wada-shaqeynta si loo abuuro bulsho ku dhisan aqoon, akhris iyo cilmi. Kulanku wuxuu kusoo dhammaaday isfaham, dhiirrigelin iyo qorsheyaal wax-ku-ool ah oo lagu horumarinayo hidaha akhriska iyo maktabad-dhiska.

𝐊𝐔𝐋𝐀𝐍 𝐀𝐐𝐎𝐎𝐍𝐄𝐄𝐃 𝐈𝐘𝐎 𝐈𝐒𝐁𝐀𝐑𝐀𝐒𝐇𝐎Waxaa galabta ka dhici doona Hotel Mumtaz kulan aqooneed iyo isbarasho oo ay isugu imanayaan...
07/11/2025

𝐊𝐔𝐋𝐀𝐍 𝐀𝐐𝐎𝐎𝐍𝐄𝐄𝐃 𝐈𝐘𝐎 𝐈𝐒𝐁𝐀𝐑𝐀𝐒𝐇𝐎

Waxaa galabta ka dhici doona Hotel Mumtaz kulan aqooneed iyo isbarasho oo ay isugu imanayaan Naadiga Akhriska & Qoraalka Garbaharrey iyo Guddoomiyaha Naadiga Akhriska & Qoraalka Gobolka Banaadir, Juweyriya Mohamud Mohamed, oo ay weheliyaan guddiga aas-aasay maktabadda cusub ee degmada Baardheere.

Kulanka ayaa lagu wadaa inuu noqdo mid lagu xoojiyo xiriirka aqoonyahannada, lana isdhaafsado waayo-aragnimo, fikrado, iyo aqoon kor u qaadaysa heerka akhriska iyo qoraalka gobolka.

Taariikhda: 07/11/2025
Waqtiga: 4:00 PM
Goobta: Hotel Mumtaz

Maktabadda Akhriska & Qoraalka Garbaharrey waxay u mahadcelinaysaa martida sharafka leh iyo dhammaan ka qaybgalayaasha sida hagar la’aanta ah uga qeyb qaadanaya horumarinta akhriska iyo qoraalka bulshada.

# Naadiga akhriska ee IQRA - Garbahaarrey, Gedo. .

Tacsi & Duco Tiiraanyo Lehإِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَNaadiga Akhriska iyo Qoraalka waxay tacsi tiiraanyo ...
22/10/2025

Tacsi & Duco Tiiraanyo Leh

إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ

Naadiga Akhriska iyo Qoraalka waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan ehelka, qaraabada, asxaabta, iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed, geerida ku timid haldoor, gabyaa, taariikh-yahan, waaya-arag iyo shaqsi qiimo weyn ku lahaa dalka, gobollada iyo degmada uu ka tirsanaa — Marxuum Siraad Nuur.

Siraad Nuur wuxuu ahaa tusaale nololeed oo ku dayasho mudan, wuxuu door muuqda ka qaatay kobcinta aqoonta, suugaanta, iyo wacyigelinta bulshada, wuxuuna ahaa qof lagu xusuusan doono daacadnimadii, hal-abuurkii, iyo wadaniyaddii uu bulshada ku hoggaamin jiray.

Alla ha u naxariisto Siraad Nuur, Jannatul Firdowsana ha ka waraabiyo, qabrigiisana nuur iyo degenaansho ha u bixin, innagana Eebbe ha inna siiyo samir iyo iimaan.

Marxuumku wuxuu reebay taariikh iyo dhaxal suugaaneed oo aan la ilaawi doonin, waana haldoor uu dalku ku faani doono mar kasta oo la xuso halyeyadii h**e.

Naf walba geeri waa dhadhamin, balse nafaha qiimaha leh waxay ku noolaadaan xusuusta iyo falalkooda wanaagsan.

𝐗𝐚𝐬𝐮𝐮𝐬𝐢𝐧 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡!Waxaa nooqabsoomayo maanta,baal-furka buugga 𝐅𝐚𝐥𝐬𝐚𝐟𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐍𝐨𝐨𝐥𝐚𝐬𝐡𝐚”   ee ay qortay 𝐌𝐢𝐬𝐤𝐢 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐁𝐚𝐬𝐡𝐢𝐢𝐫....
16/10/2025

𝐗𝐚𝐬𝐮𝐮𝐬𝐢𝐧 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡!
Waxaa nooqabsoomayo maanta,baal-furka buugga 𝐅𝐚𝐥𝐬𝐚𝐟𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐍𝐨𝐨𝐥𝐚𝐬𝐡𝐚” ee ay qortay 𝐌𝐢𝐬𝐤𝐢 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐁𝐚𝐬𝐡𝐢𝐢𝐫.

📅 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚: 𝐊𝐡𝐚𝐦𝐢𝐢𝐬, 𝟏𝟔-𝐤𝐚 𝐎𝐤𝐭𝐨𝐨𝐛𝐚𝐫 𝟐𝟎𝟐𝟓
🕓 𝐖𝐚𝐪𝐭𝐢𝐠𝐚: 𝟒:𝟎𝟎 𝐠𝐚𝐥𝐚𝐛𝐧𝐢𝐦𝐨
📍 𝐆𝐨𝐨𝐛𝐭𝐚: 𝐇𝐨𝐭𝐞𝐥 𝐌𝐮𝐦𝐭𝐚𝐳, 𝐆𝐚𝐫𝐛𝐚𝐡𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲

Ha seegin fursaddan qiimaha leh ee lagu daahfurayo buug xiiso badan oo taabanaya falsafadda iyo nolosha dhabta ah.

Naadiga akhriska ee IQRA - Garbahaarrey, Gedo.

KULAN SOO DHAWAYN IYO IS-XOG WARAYSI AH.  Akhriska & Qoraalka ee Garbahaarrey waxa uu idinku casuumayaa kulan sharaf leh...
13/10/2025

KULAN SOO DHAWAYN IYO IS-XOG WARAYSI AH.

Akhriska & Qoraalka ee Garbahaarrey waxa uu idinku casuumayaa kulan sharaf leh oo aan ku soo dhaweynayno Dr. Axmed Farah Ducale, aqoonyahan sumcad iyo khibrad dheer leh oo ku xeel dheer waxbarashada, cilmi-baarista iyo horumarinta akhriska.

Goobta: Maktabadda Dadweynaha Garbahaarrey (Hotel Mumtaas)
Waqtiga:4:00 galabnimo
Taariikhda: 12/10/2025

Loogu talagalay:
Xubnaha naadiga.
Aqoonyahannada deegaanka.
Dhalinyarada cilmi-doonka ah.
Dhamaan bulshada Garbahaarrey.

Ka soo qaybgalkaaga waa astaan qiimo siinta aqoonta iyo martida sharafka leh.

Ku soo dhowaada!
akhriska ee IQRA - Garbahaarrey, Gedo.

📢 *𝐊𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐨𝐰𝐨𝐰 𝐌𝐮𝐱𝐚𝐚𝐝𝐚𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞  #𝐍𝐚𝐚𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐤𝐡𝐫𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐐𝐨𝐫𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐆𝐚𝐫𝐛𝐚𝐡𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲 ee iqra Iyo Garbaharey public Liba...
06/10/2025

📢 *𝐊𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐨𝐰𝐨𝐰 𝐌𝐮𝐱𝐚𝐚𝐝𝐚𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 #𝐍𝐚𝐚𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐤𝐡𝐫𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐐𝐨𝐫𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐆𝐚𝐫𝐛𝐚𝐡𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲 ee iqra Iyo Garbaharey public Libarary !*

Naadiga Akhriska iyo Qoraalka ee iqra wuxuu ku martiqaadayaa dhammaan bulshada muxaadarada muhiimka ah ee cinwaankeedu yahay:

*"The Unstoppable Teams: Essential actions of high-performance leadership"*

🗓 *Taariikh:* 06 October 2025
🕓 *Waqtiga:* 4:00 galabnimo
📍 *Goobta:* Naadiga Akhriska iyo Qoraalka ee iqra

🎙 Waxaa soo jeedinaya: *ENG. Mohamed Hassan Fitig*

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐖𝐚𝐜𝐲𝐢𝐠𝐞𝐥𝐢𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐱𝐛𝐚𝐫sho.  Akhriska iyo Qoraalka ee IQRA ayaa si xushmad leh u casuumaya dhammaan akhristayaasha i...
03/10/2025

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐖𝐚𝐜𝐲𝐢𝐠𝐞𝐥𝐢𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐱𝐛𝐚𝐫sho.
Akhriska iyo Qoraalka ee IQRA ayaa si xushmad leh u casuumaya dhammaan akhristayaasha iyo bulshada xiiseysa horumarinta deegaanka kulan muhiim ah oo berri ka dhici doona Hotel Mumtaas.
𝐐𝐚𝐛𝐚𝐧𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚: Naadiga Akhriska iyo Qoraalka ee IQRA - Garbahaarrey, Gedo.
𝐌𝐚𝐫𝐭𝐢𝐝𝐚 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐚𝐡: Mohamed Abdi Aafi
𝐌𝐨𝐰𝐝𝐮𝐮𝐜𝐚: Doorka Dhalinyarada iyo Aqoonyahanka ee Horumarinta Deegaanka.
𝐆𝐨𝐨𝐫𝐭𝐚: Sabti, 04/10/2025 - Saacadda 4:00 galabnimo. 📚
𝐆𝐨𝐨𝐛𝐭𝐚: Hotel Mumtaas.
Kulankan wuxuu fursad weyn u yahay in lagu barto kaalinta muhiimka ah ee dhalinyarada iyo aqoonyahannada ka qaataan ilaalinta iyo horumarinta deegaanka, taas oo faa’iido u leh bulshada iyo jiilalka soo socda.
Kaalay oo qayb ka noqo fadhigan aqooneed ee berri, kuna biir doodda iyo fahamka ku saabsan doorka dhallinyarada iyo aqoonyahanka.

Address

Garbahaarrey

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Naadiga akhriska ee IQRA - Garbahaarrey, Gedo. posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category