Isu-Duwaha Wasaaradda Deegaanka d.i.c Gobolka Mudug

Isu-Duwaha Wasaaradda Deegaanka d.i.c Gobolka Mudug barta isu-duwaha wasaarada deegaanka daaqa iyo isbadalka cimillada ee gobolka mudug

13/09/2026

Puntland Ministry of Environment and Climate Change

Puntland Ministry of Environment and Climate Change
31/08/2026

Puntland Ministry of Environment and Climate Change

U diyaar garoow ga todobaadka muhiimka ah ee, todobaadka dhiraynta puntland
15/04/2026

U diyaar garoow ga todobaadka muhiimka ah ee, todobaadka dhiraynta puntland

‎HAMBALYO IYO BOGAADIN‎‎‎Mudane Hon Cumar Cilmi-Qaate Anigoo ku hadlaya magaca Wasaaradda Deegaanka ee Dawladda Puntland...
05/02/2026

‎HAMBALYO IYO BOGAADIN


‎Mudane Hon Cumar Cilmi-Qaate Anigoo ku hadlaya magaca Wasaaradda Deegaanka ee Dawladda Puntland gaar ahaan xafiiska Gobolka Mudug, waxaan si diirran kuugu hambalyeynayaa xilka cusub ee Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Jarriiban.

‎La wareegidda xilkaan waa mas’uuliyad weyn oo u baahan karti, daacadnimo iyo hufnaan si loo hormariyo adeegyada asaasigaa ee bulshada.

‎Waxaan ku rajeynayaa in Eebbe uu kuu fududeeyo masuuliyadda laguu igmaday, islamarkaana aad ku shaqeyso hufnaan, caddaalad iyo wadashaqeyn dhaxal-gal ah oo aad la yeelato bulshada degmada qaybahooda kala duwan iyo hay’adaha dowladda.

‎Waxaan si gaara kuugu boorrinayaa ilaalinta deegaanka iyo duurjoogta, oo ah tiir asaasi u ah nolosheena iyo jiritaankeenaba,

Mas’uuliyaddani waa fursad lagu hormarin karo deegaanka, lagu wacyi galin karo bulshada, si loo dhowro deegaanka laguna xaqiijiyo nolol waarta oo bulshada loo horseedo.

‎Wasaaradda Deegaanka ee Gobolka Mudug waxay diyaar u tahay iskaashi iyo taageero ku aaddan horumarinta deegaanka iyo ilaalinta khayraadka dabiiciga ah ee Degmada Jariiban iyo guud ahaan gobolka MUDUG, si loo xaqiijiyo helitaanka deegaan ku haboon nolol.

‎Hambalyo mar labaad, Eebbe ha kuu fududeeyo masuuliyadaas, waxaana rajeynayaa inaad noqoto hogaamiye tusaale u noqda ilaalinta deegaanka iyo duurjoogta.



‎Isu-duwaha Wasaaradda Deegaanka,
‎Gobolka Mudug

Puntland Ministry of Environment and Climate Change
01/01/2026

Puntland Ministry of Environment and Climate Change

Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbedelka Cimilada ayaa magaalada Galkacyo ka hirgelisay xarun ballaaran oo casri ah, looguna talagalay kobcinta iyo diyaarin­ta cagaarinta Magaalada.

Xaruntan waxaa si nidaamsan loogu diyaariyey kumannaan geed oo kala duwan, kuwaas oo loogu talagalay in lagu xoojiyo mashruuca cagaarinta iyo ilaalinta deegaanka degmada.

Dhirta ayaa lagu beeri doonaa jidadka iyo goobaha muhiimka ah ee magaalada, si Galkacyo u noqoto magaalo cagaaran oo bilic leh.

-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha

Address

Gaalkacyo

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Isu-Duwaha Wasaaradda Deegaanka d.i.c Gobolka Mudug posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share