30/05/2026
Hambalyo iyo Duco Ardayda Puntland ๐น
Maanta oo ay taariikhdu tahay. 30/05/2026, waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan ardayda reer Puntland meel kasta oo ay joogaan, kuwaas oo u fadhiya imtixaannada shahaadiga ah ee Dowladda putland.
Waxaan Alle SWT ka baryayaa inuu idiin fududeeyo imtixaanka, idinkuna ku guulaysataan dadaalkii iyo wakhtigii aad geliseen waxbarashadiinna. Waxaan idiin rajaynayaa natiijooyin wanaagsan, guul iyo horumar mustaqbalka iftiimiya.
Hambalyo gaar ah ayaan u dirayaa ardayda Gobolka Mudug, kuwaas oo maanta muujinaya dadaal, karti iyo himilo sare. Waxaan idiin rajaynayaa in aad noqotaan jiilka horseeda horumarka, nabadda iyo barwaaqada bulshada Soomaaliyeed.
Guushu waxay raacdaa dadaalka, aqoontuna waa furaha horumarka.
Alle ha idiin fududeeyo imtixaanka, hana idinka dhigo kuwo guulaysta.
๐โ๏ธ Guul iyo Gobannimo ayaan idiin rajaynaynaa dhammaantiin.
Dhamaad..........
Xafiiska Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka G.Mudug