28/12/2025
Shalay oo taariikhdu ahayd 27-12-2025. Waxaa kulan balaadhan isugu yimi Haldoorka, Guurtida iyo Aqoonyahanka beesha baahawadaag Bah-iidoor iyo Xasan liibaan. Kulankaas oo ujeedkiisu ahaa labo qodob.
1: in mahadcelin iyo duco loo sameeyo guddiyadii iyo xubnihii firfircoonaa ee hawsha caana shubka sida quruxda badan ee hufan usoo maamulay (Rag iyo haween ba)
2: in beeshu iska xog waraysato arrimeheeda u gaarka ah sidoo kalena wax iska weydiiso shaqooyinka mudnaanta leh ee beesha u yaal.
Alle mahaddii, kulankaasu wuxu kusoo dhamaaday si khayr iyo is waafaqitaan.