Ministry of Energy & Water Resources Galmudug State

Ministry of Energy & Water Resources Galmudug State MoEWR Galmudug leads energy & water sectors, ensures access, drives policy, promotes renewables.

Our Commitment: Safe Water for Every Community in Galmudug.Every Drop Tested, Every Community Protected.MoEWR Galmudug i...
31/05/2026

Our Commitment: Safe Water for Every Community in Galmudug.

Every Drop Tested, Every Community Protected.

MoEWR Galmudug is remain dedicated to ensuring access to safe, clean, and reliable water for all communities across Galmudug through quality monitoring, testing, and sustainable water services.

— DHAMMAAD —

Abdirahman Hussain Kulmiye
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
E-mail: [email protected]
Facebook:https://www.facebook.com/share/1bttSng441/

31/05/2026

Sheybaarka Biyaha ee Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha, waa xarun xirfadeed oo loo aas-aasay hubinta, ilaalinta iyo kor u qaadidda tayada biyaha ay bulshada isticmaasho.

Sheybaarkan waxaa lagu dabaqay habraacyada iyo shuruudaha caalamiga ah ee **ISO/IEC 17025:2017**, taasoo xaqiijinaysa in baaritaannada iyo natiijooyinka laga soo saaro ay yihiin kuwo sax ah, la iskuna halayn karo, isla markaana waafaqsan heerarka caalamiga ah.

Annagoo ah team xirfad leh oo si rasmi ah loo dhisay, waxaan diiradda saaraynaa:

1) Hubinta badqabka iyo tayada biyaha la cabo
2) Baaritaanno cilmiyeed oo lagu ogaanayo xaaladda biyaha Guud ahaan Somaliya.
3) Ka hortagga khataraha caafimaad ee ka dhalan kara biyaha aan tayadooda lahubin.
4) Taageeridda go’aan qaadashada iyo qorsheynta ku saleysan sida ay ku heli lahaayeen xog sax ah.
5) Kor u qaadidda wacyiga bulshada ee ilaalinta iyo isticmaalka biyaha nadiifta ah.

Waxaan aaminsanahay in biyo tayo leh ay yihiin saldhigga caafimaadka, horumarka iyo nolol wanaagsan.

SHEYBAARKA TAYADA BIYAHA EE GALMUDUG waxa uu u taagan yahay inuu bulshada kusoo kordhiyo adeeg lagu kalsoonaan karo oo door muuqda ka qaata ilaalinta caafimaadka iyo horumarinta tayada biyaha.

**Biyo tayo leh, Bulsho caafimaad qabta.**

— DHAMMAAD —

Abdirahman Hussain Kulmiye
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
E-mail: [email protected]
Facebook:https://www.facebook.com/share/1bttSng441/

𝐇𝐚𝐦𝐛𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐮𝐧𝐚𝐚𝐬𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐥-𝐀𝐝𝐡𝐚🌙 𝐄𝐈𝐃 𝐌𝐔𝐁𝐀𝐑𝐀𝐊 🌙 Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmud...
27/05/2026

𝐇𝐚𝐦𝐛𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐮𝐧𝐚𝐚𝐬𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐥-𝐀𝐝𝐡𝐚
🌙 𝐄𝐈𝐃 𝐌𝐔𝐁𝐀𝐑𝐀𝐊 🌙

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug, Mudane Ibrahim Abdikadir Mohamed, ayaa hambalyo iyo bogaadin ku aaddan munaasabadda barakeysan ee Ciidul-Adxaa u diraya dhammaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay dunida ka joogaan.
Agaasimaha ayaa Alle uga baryay inuu naga wada aqbalo acmaasha suuban, ciidanna nooga dhigo mid ku soo laabata nabad, barwaaqo, midnimo iyo isjacayl.

Ciid Wanaagsan, Ciid Mubaarak. 🌙✨

— DHAMMAAD —

Abdirahman Hussain Kulmiye
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
E-mail: [email protected]
Facebook:https://www.facebook.com/share/1bttSng441/

𝐇𝐚𝐦𝐛𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐮𝐧𝐚𝐚𝐬𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐥-𝐀𝐝𝐡𝐚🌙 𝐄𝐈𝐃 𝐌𝐔𝐁𝐀𝐑𝐀𝐊 🌙 Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug, Mudane...
26/05/2026

𝐇𝐚𝐦𝐛𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐮𝐧𝐚𝐚𝐬𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐥-𝐀𝐝𝐡𝐚
🌙 𝐄𝐈𝐃 𝐌𝐔𝐁𝐀𝐑𝐀𝐊 🌙

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug, Mudane Cabdullaahi Maxamed Daahir, ayaa munaasabadda barakaysan ee Ciidul-Adxa awgeed hambalyo iyo bogaadin u diray guud ahaan ummadda Muslimiinta ah, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay dunida ka joogaan, iyo dhammaan shaqaalaha Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug.

Wasiirku wuxuu Alle uga baryay in uu ka aqbalo acmaasha suubban, kana yeelo ciiddaan mid ku soo laabata bashbash, barwaaqo, nabad iyo horumar.

تقبل الله منا ومنكم صالح الأعمال
Ciid Wanaagsan, Ciid Mubaarak. 🌙✨

— DHAMMAAD —

Abdirahman Hussain Kulmiye
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
E-mail: [email protected]
Facebook:https://www.facebook.com/share/1bttSng441/

Degmada Guriceel 26 May 2026 Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug, Mudane Cabdullaahi Maxamed D...
26/05/2026

Degmada Guriceel 26 May 2026

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug, Mudane Cabdullaahi Maxamed Daahir, ayaa safar booqasho iyo ukuurgal ah ku tagay deegaanno badan oo ku yaalla koonfurta degmada Guriceel, kuwaas oo ay ka mid yihiin Xaarxaar, Iidow, Dabarre, Cawsley, Biyacaddo, Qawley, Biyaguduud, Yaayaaley, Ceelqorrax, Dhagaxyaale, Gurijeex, Dooyaale iyo Libiley, kuwaas oo dhammaantood qiyaastii 65KM u jira degmada Guriceel.
Safarkan oo uu ku weheliyay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Galmudug, Mudane Maxamed Xaashi Dhoore, ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray ukuurgalka xaaladaha ka jira deegaannadan, gaar ahaan dhinacyada biyaha iyo waxbarashada.

Intii lagu guda jiray booqashada, wafdigu waxa uu soo arkay bulsho isku tashatay oo si weyn ugu howlan horumarinta beeraha iyo kor u qaadista wax-soo-saarka deegaanka. Waxaa si gaar ah indhaha usoo jiitay beero si wanaagsan loo tabcay, dalagyo kala duwan oo miro dhalay, iyo dadaalka muuqda ee bulshada deegaanka ugu jirto sidii ay u gaari lahaayeen isku filnaansho nololeed iyo mid wax-soo-saar.

Sidoo kale, wafdigu waxa uu sameeyay indha-indheyn ku saabsan xaaladda ceelasha biyaha, nidaamyada waraabka iyo guud ahaan baahiyaha adeegyada aasaasiga ah ee ka jira deegaannadan.

Wasiirka ayaa xusay in deegaannadani leeyihiin fursado horumarineed oo ballaaran, haddii la helo taageero iyo maalgelin lagu xoojinayo adeegyada biyaha, beeraha iyo kaabeyaasha kale ee muhiimka u ah nolosha bulshada.

Ugu dambeyn, Wasiirku waxa uu bogaadiyay shacabka ku nool deegaannadan dadaalka, adkeysiga iyo isku tashiga ay muujiyeen, isaga oo tilmaamay inay yihiin bulsho mudan dhiirrigelin iyo garab istaag si loo sii xoojiyo horumarka ka socda deegaanka.

— DHAMMAAD —

Abdirahman Hussain Kulmiye
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
E-mail: [email protected]
Facebook:https://www.facebook.com/share/1bttSng441/

Muqdisho : 19 May 2026Qaar kamid ah shaqaalaha Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug ayaa ka qeyb galay d...
19/05/2026

Muqdisho : 19 May 2026

Qaar kamid ah shaqaalaha Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug ayaa ka qeyb galay dood-wadaag ay isugu yimaadeen khubaro iyo ka soo qeybgalayaal kala duwan, si loo is dhaafsado aragtiyo, su’aalo iyo talooyin ku saabsan kormeerka, qiimeynta iyo dabagalka kaabayaasha khayraadka biyaha.

Dood-wadaaggan ayaa diiradda lagu saaray caqabadaha jira, fursadaha horumarineed, iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta u dhaxeysa dhinacyada ay khuseyso, si loo gaaro natiijooyin waara oo wax ku ool ah, isla markaana kor loogu qaado tayada maamulka iyo horumarinta kaabayaasha khayraadka biyaha ee Galmudug.
— DHAMMAAD —

Abdirahman Hussain Kulmiye
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
E-mail: [email protected]
Facebook:https://www.facebook.com/share/1bttSng441/

Dhuusamareeb : 18 may 2026Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug, Mudane Ibrahim Cabdik...
19/05/2026

Dhuusamareeb : 18 may 2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug, Mudane Ibrahim Cabdikaadir Maxamed, ayaa maanta ka qeyb galay shirka Golaha Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowlad-Goboleedka Galmudug.

Kulankan oo uu shir-guddoominayay Agaasimaha Madaxtooyada Galmudug, Mudane Cismaan Macalin Xasan, ayaa waxaa kasoo qeyb galay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha kala duwan ee Galmudug.

Intii uu socday shirka, waxaa si qoto dheer looga hadlay arrimo muhiim u ah horumarinta maamulka, kor u qaadista hufnaanta shaqada dowliga ah, iyo dardargelinta adeegyada loo fidiyo bulshada reer Galmudug.

Shirkan ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Galmudug ay ku xoojineyso wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, isla markaana lagu horumarinayo adeegyada muhiimka u ah bulshada reer Galmudug.

— DHAMMAAD —

Abdirahman Hussain Kulmiye
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
E-mail: [email protected]
Facebook:https://www.facebook.com/share/1bttSng441/

🌦️𝐒𝐚𝐚𝐝𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐑𝐨𝐨𝐛𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐚𝐥𝐦𝐮𝐝𝐮𝐠 𝟎𝟗- 𝟏𝟎 𝐦𝐚𝐲 𝟐𝟎𝟐𝟔🌦️. 𝐬𝐚𝐚𝐝𝐚𝐚𝐬𝐡𝐮 𝐱𝐢𝐥𝐢 𝐫𝐨𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐆𝐮'𝐠𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐞𝐲 𝐦𝐮𝐮𝐣𝐢𝐧𝐚𝐲𝐬𝐚𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐢𝐧 𝐫𝐨𝐨𝐛𝐚𝐛 𝐝𝐡𝐞𝐱...
09/05/2026

🌦️𝐒𝐚𝐚𝐝𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐑𝐨𝐨𝐛𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐚𝐥𝐦𝐮𝐝𝐮𝐠 𝟎𝟗- 𝟏𝟎 𝐦𝐚𝐲 𝟐𝟎𝟐𝟔🌦️.

𝐬𝐚𝐚𝐝𝐚𝐚𝐬𝐡𝐮 𝐱𝐢𝐥𝐢 𝐫𝐨𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐆𝐮'𝐠𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐞𝐲 𝐦𝐮𝐮𝐣𝐢𝐧𝐚𝐲𝐬𝐚𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐢𝐧 𝐫𝐨𝐨𝐛𝐚𝐛 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐝𝐡𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐚𝐡 𝐢𝐲𝐨 𝐦𝐢𝐝 𝐡𝐨𝐨𝐬𝐞𝐞𝐲𝐚 𝐤𝐚 𝐝𝐚'𝐢 𝐝𝐨𝐨𝐧𝐚𝐚𝐧 𝐠𝐮𝐮𝐝𝐚 𝐚𝐡𝐚𝐚𝐧 𝐃𝐞𝐞𝐠𝐚𝐧𝐚𝐝𝐚 𝐆𝐚𝐥𝐦𝐮𝐝𝐮𝐠 𝐬𝐢𝐝𝐚 𝐬𝐚𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐤𝐮 𝐜𝐚𝐝.
Roobabkan ayaa keenay faa’iidooyin dhowr ah sida:
* Dib u soo kabashada dhulka iyo daaqa 🌱
* Helitaanka biyaha dadka iyo xoolaha 💧
* Xoojinta wax soo saarka beeraha
* Yaraynta saameynta abaaraha
Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Galmudug waxay bulshada ku wargelinaysaa inay la socdaan wararka iyo saadaasha cimilada si loo helo diyaar garow ku habboon, gaar ahaan meelaha laga filayo roobab xooggan.


DHAMMAAD

Abdirahman Hussain kulmiye
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
Wasaaradd Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug

GODINLABE – 5 May 2026 Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Abdullaah...
05/05/2026

GODINLABE – 5 May 2026

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Abdullaahi Maxamed Daahir, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay ceel-biyoodyada ku yaalla degmada Godinlabe, iyo sidoo kale riig cusub oo laga qodayo deegaanka Laamadhaayood.

Kormeerka Wasiirka waxaa ku wehliyay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Galmudug, Mudane Cumar Maxamed Diiriye, xubno ka tirsan Golaha Wakiillada Galmudug, iyo Agaasimaha Waaxda Biyaha ee Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha.

Intii uu kormeerku socday, Wasiir Abdullaahi ayaa warbixinno ka dhegeystay masuuliyiinta gacanta ku haya ceelasha biyaha, kuwaas oo ka warbixiyay xaaladda adeegyada biyaha iyo baahiyaha jira.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa ballan qaaday in Wasaaraddu ay xoojin doonto wada-shaqeynta ay la leedahay bulshada deegaanka Laamadhaayood, si loo horumariyo adeegyada biyaha loona daboolo baahiyaha shacabka.

— DHAMMAAD —

Abdirahman Hussain Kulmiye
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug

Saadaasha Roobka Toddobaadka (02 – 08 May 2026) Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Dowlad Goboleedka Galmudug, ...
02/05/2026

Saadaasha Roobka Toddobaadka (02 – 08 May 2026)

Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Dowlad Goboleedka Galmudug, gaar ahaan Waaxda Hydro-Meteorology, waxay soo saareysaa saadaasha roobka toddobaadka ee u dhaxeysa 02 ilaa 08 May 2026.

Saadaashu waxay muujineysaa in roobab kala duwan oo u dhexeeya mid dhexdhexaad ilaa mid xooggan laga filayo guud ahaan deegaannada Galmudug, iyadoo qaybo ka mid ah ay la kulmi karaan roobab culus.
Roobabka ugu badan ayaa laga filayaa:
•Ceel Buur nawaxigeeda
•Dhuusamareeb nawaxigeeda
•Xarardheere nawaxigeeda
Halkaas oo roobku gaari karo qiyaaso u dhexeeya 30 mm ilaa 100 mm, iyadoo meelaha qaarkood ay gaari karaan ina ka badan.
Sidoo kale, roobab dhexdhexaad ah ayaa laga filayaa:
•Cadaado
•Cabudwaaq
•Gaalkacyo
kuwaas oo u dhexeeya 10 mm ilaa 50 mm.
Dhanka kale, deegaanada sida Hobyo iyo qaybo kale oo ka mid ah Galmudug waxay heli karaan roobab u dhexeeya 5 mm ilaa 20 mm.

Wasaaraddu waxay kula talineysaa bulshada, beeraleyda iyo xoolo-dhaqatada inay:
• Ka faa’iideystaan roobabka la filayo, gaar ahaan xilligan muhiimka ah
• Ka feejignaadaan fatahaado iyo biyo fariisin ka dhalan kara roobabka culus
• La socdaan digniinaha iyo warbixinada rasmiga ah ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha – Waaxda Hydro-Meteorology

Saadaashan waxay ku saleysan tahay xogta laga helay nidaamka NOAA-GFS, waxaana la cusbooneysiin doonaa hadba sida ay xaaladdu isu beddesho.


DHAMMAAD

Abdirahman Hussain kulmiye
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
Wasaaradd Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug

Address

Dhuusamareeb Main Street
Dhuusamarreeb
00510

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ministry of Energy & Water Resources Galmudug State posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share