30/04/2026
Shirka farsamada ee todobaadlaha ah ee mashruuca Nagaad ayaa ka qabsoomay xarunta mashruuca, iyadoo diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha socda iyo la socodka horumarka dhismaha.
Kulanka
Kulanka waxaa ka qeyb galay Samuel Ngthe Mbachia oo ah Sargaal sare oo ka socday World Bank, isagoo bixiyay talooyin farsamo iyo qiimeyn ku saabsan heerka mashruuca.
Shirka waxaa shir guddoominayay Iskuduwaha Mashruuca Nagaad Abdulkadir Diriye, waxaana sidoo kale ka qeyb galay wakiillo ka socday UNOPS iyo shirkadda dhismaha wadooyinka ee Buruuj.