11/08/2025
Madaxwyane ku xigeenka Dowladda Galmudug mudane Ali Dahir Eid ayaa maanta Madaxtooyada Galmudug ku qaabilay saraakiisha Ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Africa ee AUSSOM
Kulanka ayaa diirada lagu saaray arimaha amniga iyo la dagalka kooxa Khawaarijta ah iyo sidii sare logu qaadi lahaa Ciidamada AUSSOM Sector 4 ee Galmudug jogaa.
Madaxwyane ku xigeenka Dowladda Galmudug Ali Dahir Eid ayaa Taliyaha AUSSOM Sector 4 u sheegay in Ciidamada Xogga Somalia iyo Ciidanka Galmudug ay Shaqo badan ka qabteen guud ahan Galmudug Amnigana galmudug na u aad u sareeyo xiligaan.
Ugu danbeyn Saraakisha AUSSOM iyo Madaxda Galmudug waxay Isla qateen in la dardargaliyo dagaalka ka dhanka ah Kooxda Khawaarijta.
Xafiiska Warfaafinta Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug