Naadiga Akhristeyaasha ANFAC

Naadiga Akhristeyaasha ANFAC Gaboodka Akhriska , Qoraalka iyo Dhaqanka ANFAC, Ceerigaabo. Activities Implemented in this Year
1.

Established in 2009, ANFAC, a youth club based on the โ€˜Self-help Schemeโ€™ approach, has been launched by a youth who adopt the revolution of reading and writing. With the purpose of inspiring the youth to pursue the knowledge and the modernization in order that they might deviate from the tribal-oriented mechanisms, the club engages on promoting civic education and democracy through mainstreaming o

f gender equity, providing that the principles and policies must be in conformity with the constitution of Somaliland State. Hence, we express our gratitude and thanks to the young intellectuals who could be attributed for the inauguration and the initiation of this crucial task. Exhibition of ten (10) text books, written in Somali, beneficial to the Somali literate youth;
2. Competition of Somali literature in terms of promoting peace and reducing the conflicts that the first won- four (4) persons gained prizes of money and honor certificates. This has been held for encouraging the youth to protect peace stability, Somali indigenous knowledge and cultural norms and traditions;
3. Training of Ceerigaabo Youth Associations on their traditional games;
4. Conduct of two daysโ€™ training for teachers who teach Somali Language with the award of Certificates to the participants. The Regional Governor of Sanaag was invited for the closure of the training.
5. Training on the effective skills of writing procedures for the Youth who are interested in reading and writing skills of the short stories.
6. Campaigns for writing and reading skills were implemented in ten (10) main schools in Ceerigaabo, Maydh, and Yufle.
7. Participation in an anniversary day for commemoration of the Somali Scripts.
8. With the proposal of ANFAC Ceerigaabo, an umbrella of such similar clubs was set up in Burco, the focus point of the convocation.
9. Convocation for competition among football teams from the six districts of Sanaag Region
10. Convocation and hosting of Boorama Readers Club gust, poet such as Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi, Cabdiwaaxid Gamaโ€™diid, Yaxye Yeebaash, from Hargeysa, Faarax Biniin Boos from Bosaaso and resourced persons such as Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan, Jaamac Muuse Jaamac invited from all areas by ANFAC in Ceerigaabo.
11. Mobilization campaign for reading and writing, citizenship and protection of public interest and infrastructure in Ceerigaabo town targeted fifteen primary and secondary schools (10,000 students). ANFAC LIBRARY BENEFICIARIES
Situated in the mid of the town and with two thousand (2000) books, the library promote the tendency for reading and writing, where thirty (30) members usually adopt such tendency. We expect this trend of library adoption should promote the capacity building of the youth towards the development and help them to make researches and initiatives conducive to the improvement of their socio-economic status in the future.

"๐—ฆ๐—ถ๐—ฑ๐—ฒ๐—ฒ d๐—ฎ๐—ฑ๐—ธ๐˜‚ u g๐—ผโ€™๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ๐—ป n๐—ผ๐—น๐—ผ๐˜€๐—ต๐—ฒ๐—ฒ๐—ปa i๐—ป๐—ป๐—ฎ๐—ด๐—ฎ o๐—ผ a๐—ฎ๐—ป d๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ๐—ฒ๐—บ๐—ถn."๐—–๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฟ ๐—ธ๐˜‚ ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฏ๐˜€๐—ฎ๐—ป ๐—–๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ถ๐˜€๐—ธ๐—ฎ ๐—๐—ถ๐—ถ๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—•๐˜‚๐—น๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ, ayaa ka ...
06/03/2026

"๐—ฆ๐—ถ๐—ฑ๐—ฒ๐—ฒ d๐—ฎ๐—ฑ๐—ธ๐˜‚ u g๐—ผโ€™๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ๐—ป n๐—ผ๐—น๐—ผ๐˜€๐—ต๐—ฒ๐—ฒ๐—ปa i๐—ป๐—ป๐—ฎ๐—ด๐—ฎ o๐—ผ a๐—ฎ๐—ป d๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ๐—ฒ๐—บ๐—ถn."
๐—–๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฟ ๐—ธ๐˜‚ ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฏ๐˜€๐—ฎ๐—ป ๐—–๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ถ๐˜€๐—ธ๐—ฎ ๐—๐—ถ๐—ถ๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—•๐˜‚๐—น๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ, ayaa ka qabsoomay Maktabadda Anfac, kaas oo uu soo jeedinayay Usaame Faarax.

Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo Bismillaah, Soonqaad Wanaagsan. Maanta oo kale, 21-ka February, waa Maalinta Caalami...
20/02/2026

Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo

Bismillaah, Soonqaad Wanaagsan.

Maanta oo kale, 21-ka February, waa Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo la xuso, si la isu xasuusiyo isla markaana loo xoojiyo horumarinta iyo qiimaynta afafka hooyo ee dunida.

Afka hooyo waa aqoonsi, dhaqan, jiritaan ummadeed iyo tiirka ay ku dhisan yihiin taariikhda, suugaanta, hiddaha iyo dhaqanka bulshadu. Haddii afka la dayaco, waxa halis galaya dhaqankii iyo jiilashii mustaqbalka.

Af-Soomaaliga iyo Masโ€™uuliyaddeenna

Af-Soomaaligu waa Af hodan ku ah maahmaahyo, murti qoto dheer, gabayo, suugaan fac weyn, taariikh iyo dhaqan soo jireen ah, waana halka laga helo asalka iyo taariikhda umadnimo ee fog.

Waxa waajib inagu ah:
B. In aan ku hadalno oo ku faano Afka hooyo.
T. In aan carruurta barno akhriska iyo qorista afkooda hooyo.
J. In aan kobcino buugaagta, cilmi-baadhista iyo warbaahinta ku baxda Af-Soomaaliga
X. In aan ilaalinno saxnaanta higgaadda iyo naxwaha,
Kh. Iyo ugu danbayntii in aan taageerno goobaha lagu barto ama lagu horumariyo Afka oo ay ka mid yihiin naadiyada akhristeyaasha iyo rugaha laga helo kutubta Afka hooy.

Baaq

Aan ka wada shaqayno kor u qaadidda iyo adeegsiga afka hooyo ee dugsiyada iyo jaamacadaha, sidoo kale qabashada tartammo suugaan, akhris iyo qoraal, dhanka kale aan gacansiino hal-abuurka iyo qorayaasha Afka hooyo.

Hambalyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo bulshooyinka kale ee dunida ku nool ee qiimeeya afkooda hooyo.

Ramadaan Wanaagsan, Alle ha innaga yeelo kuwii ka faaโ€™idaysta barwaaqada bishan.

Waxaa ka qabsoomay Maktabadda Anfac, mawduuc wacyigelin ah oo ku saabsan Xanuunka Macaanka oo uu soo jeediyey Dr. Mustaf...
14/01/2026

Waxaa ka qabsoomay Maktabadda Anfac, mawduuc wacyigelin ah oo ku saabsan Xanuunka Macaanka oo uu soo jeediyey Dr. Mustafe Aw-Muuse Axmed, Kulankaas oo ujeedadiisu ahayd in kor loo qaado wacyiga aqooneed ee bulshaddu u leedahay Xanuunka Macaanka.

Mawduuc lagaga hadlaayo "wacyigelin ku saabsan xanuunka Macaanka" ayaa ka qabsoomaya habeen dambe Maktabadda Anfac.Waxaa...
11/01/2026

Mawduuc lagaga hadlaayo "wacyigelin ku saabsan xanuunka Macaanka" ayaa ka qabsoomaya habeen dambe Maktabadda Anfac.

Waxaa soo jeedinaya Dr Mustafe aw Muuse Axmed.

Kasoo qayb gal wanaagsan.

Hambalyo Taariikhi ah โ€“ Aqoonsiga Jamhuuriyadda SomalilandNaadiga Akhristeyaasha ANFAC wuxuu si weyn ugu hambalyaynayaa ...
26/12/2025

Hambalyo Taariikhi ah โ€“ Aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland

Naadiga Akhristeyaasha ANFAC wuxuu si weyn ugu hambalyaynayaa Jamhuuriyadda Somaliland iyo guud ahaan shacabkeeda, gaar ahaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi โ€œCirroโ€, guusha taariikhiga ah ee ka dhalatay aqoonsiga ay Dowladda Israel si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay siisay Jamhuuriyadda Somaliland.

Waa tallaabo weyn oo ka tarjumaysa dedaalka joogtada ah, hoggaaminta xilkasnimada leh, iyo aragtida diblomaasiyadeed ee Madaxweynaha, taas oo mar kale muujisay in Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay dal buuxiya shuruudaha dawladnimo, isla markaana mudan aqoonsi caalami ah.

Aqoonsigani wuxuu furayaa bog cusub oo iskaashi caalami ah, horumar dhaqaale, iyo xidhiidh siyaasadeed, isla markaana xoojinaya rejada iyo kalsoonida shacabka Somaliland ee ku aaddan xaqa ay u lee yihiin aqoonsi buuxa.

Naadiga Akhristeyaasha ANFAC wuxuu Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdillaahi Cirro ku bogaadinayaa adkaysiga, dadaalka iyo goโ€™aamada miisaaman ee horseeday guushan weyn, annagoo rejaynayna in ay noqoto bilowga aqoonsiyo kale oo caalami ah oo is-daba-joog ah.

Hambalyo Madaxweyne.
Hambalyo Jamhuuriyadda Somaliland.
Guul iyo horumar waara.

Naadiga Akhristeyaasha ANFAC

Sawirro.Buugga "Ceebaha Calmaaniyadda" oo uu qoray Cabdiraxmaan Nagiib, ayaa xalay kulan bandhig iyo falanqayn ah loogu ...
07/12/2025

Sawirro.

Buugga "Ceebaha Calmaaniyadda" oo uu qoray Cabdiraxmaan Nagiib, ayaa xalay kulan bandhig iyo falanqayn ah loogu qabtay Maktabadda Anfac.

Cadnaan Xasan Cali ayaa buuggiisa uu ka qoray Walaalnimada, ee lagu magacaabo "Walaalnimadu waa wehel" si hor dhac ah ug...
27/10/2025

Cadnaan Xasan Cali ayaa buuggiisa uu ka qoray Walaalnimada, ee lagu magacaabo "Walaalnimadu waa wehel" si hor dhac ah ugu soo bandhigay Maktabadda Anfac.

Buuggaas oo aan weli si rasmi ah loogu soo bandhigin Masraxyada Buugta, dhowaana loo qaban doono Bandhigyo.

Buuga walaalnimo waa wehel, waa iftiin ku tusaya heerka walalnimadu ka taagan tahay bulshadda dhexdeeda.

25/10/2025

Maxamed Cabdi Siciid BK, ayaa booqasho ku yimid Maktabadda Anfac, isagoona halkaasi uu kusoo dhoweeyay Guddoomiyaha Naadiga Akhristayaasha Anfac Cabdirashiid Axmed Yusuuf.

Wasiirul dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga, Cabdirashiid Maxamed  Axmed (Magaalo), ayaa soo booqday Maktabad...
16/10/2025

Wasiirul dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga, Cabdirashiid Maxamed Axmed (Magaalo), ayaa soo booqday Maktabadda Dadwaynaha ee Anfac, taas oo ah goob akhris oo Bulshada ceerigaabo u adeegaysay 17kii sano ee u dambeeyay, si lacag la'aan ah.

Kulanka wasiirka oo ay ku wehelinayeen, Xildhibaan golaha deegaanka degmada Ceerigaabo Yaasiin dhaayane, iyo Guddoomiye xigeenka Wasaaradda Waxbarashada G/ sanaag Cali Aadan, ayaa ahaa Booqasho, dhiirri gelin, iyo xog ogaalnimo.

Wasiirka ayaa u sheegay dhallinyarada gacanta ku haysa maktabadda in uu la shaqayn doono, shaqadan ay hayaana tahay shaqo wanaagsan oo nafhurnimo ah, maadaama lala dagaallamayo jahliga iyo aqoon la'aanta, dadkana loo jihaynayo dhanka Akhriska iyo Aqoonta.

Ugu dambayn wasiirka ayaa saxeexay, Buugga Madaxda soo booqata maktabaddu saxeexdo.

11/10/2025

Goobaha akhrisku waa meelaha ugu qiimaha badan ee kobciya aqoonta, dhaqanka iyo nabadda bulshada. Waa xarumo lagu dhiso maskaxda dhalinyarada, lagu xoojiyo wada-noolaanshaha, laguna dhiirrigeliyo hal-abuur iyo iskaashi bulsho.

Akhrisku ma aha oo keliya waxbarasho, waa dhaqan dhisaya dad iyo dalba. Haddii aan rabno Ceerigaabo horumarsan, nabdoon oo isfahan ku dhisan aan maalgelinno goobaha akhriska iyo naadiyada aqooneed ee kor u qaadaya fikirka iyo wadajirka.

03/10/2025

Kelmedda Guddoomiyaha Naadiga, Abdirashiid Ahmed Yousef.

Naadiga ANFAC wuxuu martigeliyay dood cilmiyeed muhiim ah oo ay soo qabanqaabisay Hay'adda maxalliga ah ee Vision for Pe...
02/10/2025

Naadiga ANFAC wuxuu martigeliyay dood cilmiyeed muhiim ah oo ay soo qabanqaabisay Hay'adda maxalliga ah ee Vision for Peace, kaas oo looga hadlayey dhinacyada kala duwan ee dhismaha nabadda: bulshada, dhaqaalaha iyo dhaqanka.

๐Ÿ—ฃ๏ธ Martida ka hadashay kulanka:
โ€ข Ismaaciil Cawil Saalax โ€“ Doorka khubarada sharciga ee nabadda iyo cadaaladda.
โ€ข Rooda Cawil Cilmi โ€“ Doorka dhallinyarada iyo haweenka ee nabadda.
โ€ข Mohamed Xuseen Jaamac โ€“ Sida horumarka iyo dhaqaaluhu u qaabeeyaan nabadda.
โ€ข Ahmed Yaasiin Curad โ€“ Guddoomiyaha Vision for Peace.

๐ŸŽ™๏ธ Osame Gahyr ayaa ahaa guddoomiyaha doodda.

๐Ÿ“ Goobta: Maktabadda Dadweynaha ANFAC, Ceerigaabo
๐Ÿ•ก Waqtiga: 6:30 Fiidnimo - 9:30 Fiidnimo
๐Ÿ“… Taariikhda: 01/10/2025 (Arbaca)

Kulankan waxa uu qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo wada-hadalka, isfahamka iyo iskaashiga bulshada si loo dhiso nabad waarta, waxa ugu danbayn la isku weydaarsaday aragtiyaha kala duwan ee ka sio qaybgaleyaasha madasha.

Address

Jidka Xeela, Degmada Kulmiye
Ceerigaabo
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Naadiga Akhristeyaasha ANFAC posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Naadiga Akhristeyaasha ANFAC:

Share

Category