14/06/2026
Falanqaynta dhiganaha "casariye".
12-6-2026
Dhiganahani waa dhigane qiimo badan oo cajiib ah murti iyo waxsheeg qoto dheerna ku salaysan.
Qoraagu dhiganihiisa waxyabaha uu ku xusay waxa ka mid ah;
â—Źin niyadaada aad wanaajiso,si toolmon aad wax uqiimayso,Dhinaca wanaagsana aad ka istaagto arrimaha.
â—Źin raali gelinta aadumuhu tahay yool aan la gaadhin oo laga geyoon.
â—Źqoraagu wuxu dhiganihiisa ku xusay,In waxyaabaha wanaagsani ay ku qurrux badan yihiin qarsoonida,oo aanay muhiim ahayn inaad kor uqaado samaha aad fashay.
â—Źqoraagu wuxu xusay,in qofka danayntiisa ku jiheeya ee ku dedaala,ufiir-fiirsiga iyo faalaynta dhaliilaha lammaankiisa/saaxiibkiis aanu fursad uhelayn inuu arko wanaagiisa,iyo dabeecadihiisa toosan.
â—Źqoraagu wuxu xusay,inaanu qofka garaadka leh caqli ahaana dhisani aanu guul ka deyin meel kasta,cid kastana ficilkeeda aanu ka falcelin oo aanu waqti ku lumin. Is mooganaysiintu waa ma huraan".
â—Źwuxu xusay, in qofka araga-liita hadduu sheego xaqqa uu maamus mutaysto.
Wuxu cadaynayaa inaanay higilka qurruxda iyo haykalka guud wax lagu qiimayn, ee murtida qofka iyo hadalka toosani ka turjumaan shaqsiyada qofka.
â—Źwuxu xusay qoraagu inaanu lumin samuhu,haddii ay dayacaan kuwa loo galay(aadamaha) wanaaggu alle agtiisa ayuu ka qoranyahay. Samo-fal oo wanaag samee, oo xasuusnow samihii lagu galay adiga.
â—Źwuxu xusay qoraagu, in adduunku joogo xilligii beerashada iyo bilowgii nolosha, dhammaanteenna ay tahay inaynaan niyad jabin ee aynu utabcano mustaqbalka berri.
Waa qodobo ka mida dhiganahan casariye.
Buug kal-kaal caynabo.