14/06/2026
Maanta oo ay taariikhdu tahay 14 June 2026, ayaa xarunta Gobolka Togdheer lagu qabtay kulanka joogtada ah ee u dhexeeya hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee ka hawlgala gobolka iyo maamulka Gobolka Togdheer.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray is-weydaarsiga xogaha la xidhiidha hawlaha bani’aadannimo ee ka socda gobolka, si loo xoojiyo wada-shaqaynta iyo isku-duwidda adeegyada ay hay’aduhu bulshada u fidiyaan.
Kulanka waxaa furay Guddoomiyaha Gobolka Togdheer, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), oo ka hadlay muhiimadda uu kulankani u leeyahay joogtaynta wada-shaqaynta ka dhaxaysa hay’adaha samafalka iyo laamaha kala duwan ee dowladda. Guddoomiyuhu waxa uu hay’adaha uga mahadceliyey dedaalkooda iyo sida ay uga go’an tahay inay sii wadaan hawlaha gargaarka bani’aadannimo, inkasta oo dunida ay ka jiraan caqabado dhaqaale iyo hoos-u-dhac ku yimid maalgelinta arrimaha samafalka.
Furitaanka kadib, kulanka waxa si wadajir ah u guddoominayey Badhasaab Ku-xigeenka Gobolka Togdheer iyo Hay’adda Candlelight iyaga oo hagayey ajandayaasha iyo doodaha la xidhiidha xaaladaha bani’aadannimo ee gobolka iyo qorshayaasha iskaashiga mustaqbalka.