12/04/2022
Madaxwaynaha dawladda khaatumo wuxuu hambalyo la wadaagayaa ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed.
Taleex: 12-april-2022; madaxwaynaha dawladda khaatumo wuxuu hambalyo la wadaagayaa dhamaan qaybaha kala duwan ee CXDS, isagoo xusay in ciidanku yihiin laf dhabarta dawladnnimada soomaaliyeed.
Madaxwaynaha ayaa sidoo kale uga mahadceliyey kuna amaanay ciidanka dadaalkooda naf hurnnimada leh ee ay ugu adeegaan dhamaan dadka soomaaliyeed.
Wuxuu sidoo kale shacabka soomaaliyeed ugu baaqay in ay is garabtaagaan ciidanka si loo helo dawladnnimo dhab ah oo ay ku ledaan shacabka soomaaliyeed iyo xasillooni waarta.
Dhamaad.
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA KHAATUMO.