09/09/2021
Bismilaah
Danta ugu jirta magaalada boorama maamulka somaliland maxay tahay??
Waa suaasha ah in aan in badan wax ka ogaano haddi aynu nahay bulshada baaxada weyn ee ku dhaqan magalada boorama, si aan uga jawaabno suaashan waxaynu eegayna ama ku dabaqeynaa jawabta waxyabaha loo yaqaan baahiyaha aasaasiga (basic needs)
Waxan ku falanqeyn doonaa
sababeyn, is barbar dhig , dantu xagey ku jirtaa
Baahiyaha aasaasiga ah (basic needs)
1) caafimaadka
2)waxbarshada
3)wadooyinka
4) dhaqalaha
Caafimaadka
Suaal: Dhakhtarka weyn ee boorama ma yahay mid babaqa Baahiyaha caafimaad ee ka jira magaalada
Jawaab: ma ahan mid dabaqa
Sababeyn: ma jiraan qalabyo casri ah oo dawli ah oo bulshada loogu adego ,bulshada inta badan waxy u tagaan dhakhtarda hargeisa iyo wadanka dibadiisa
Isbarbardhig: ka hor maamulka somaliland baahiyaha caafimaad oo dhan waxa ay ahayeen kuwo bilaasha oo aan wax lacaga la iskaga qaadin ,hadana iska daa in uu lacag la'aan noqde waxa adag in aad adeeg hufan ku hesho lacgtada
Waxbarashada
Suaal: maxa is badal ah heerka, lacgta iyo tayada waxbarasho ka hor maamulka somaliland iyo ka dib
Jawaab:waxbarashada hada iyo tii wakhtigaa ka horeyay maamulkan somaliland waxa u dhexeya farqi
Dhinacayo badan wax xusid mudan in waxbarashadu ay ahyd dhamnteen schooladu bilaash oo aan wax lacag ah lagu dhigan jirin sidaso ay tahay waxay ahyd magalada aqoonta ka hor maamulka somaliland iyo wakhtigan somaliland talada ah hayso
Wadooyinka
Suaal:boorama ma heshay wadooyin badan sida magaloyinka dhigeed ah wakhtiga maamulka somaliland
Jawaab: boorama ma aysan helin wadoyin faro badan sida magaloyinka dhigeda ama ka hooseeya ay u heleen
Tusaale boorama waxa ay leedahay dhawr wado oo aan gacnta lagu haynin ee ay ugu danbeyso malinka la dhiso in la dayaco ,taasi waxay ka dhigan tahay hadan ku dhisay ku dhayi maaye dhayaha ku dawataya ama dhisatayaa dhinacaga weyaan
Dhaqaalaha
Suaal:ka hor iyo ka dib maamulka somaliland midkee baa uu dhaqalaha borama koreeyaa
Jawaab:marka aynu dhaqaale ka hadleyno waxynu ka hadleyna ma ahan dhismaha magalada bilicda magalada iyo dadka oo ku soo bata ,waxynu ka hadleyna Il dhaqaale (source of income)
Isha dhaqale ee boorama ka hor maamulka somaliland
Borama waxa ay lahyd madaarka AADAN ISAK Internatinal airport,waxana ka soo gali jirey dhaqaale aad u tiro badan oo aan la soo koobi karin iyado aan ognahay dadka ugu badan ee dhoofa ama soo dega somali ay yihiin dadka somali galbeed
Isha dhaqaale ee boorama wakhtigan somaliland .
Ma jirto goob sax ah oo uu ka soo galo dhaqaale boorama haba yaraatee
FG: Dhinaca dhisamaha iyo bilicda
Waxa sababey in ay boorama aad u dhisanto ama qurxonato dadka ku dhaqan oo u hagar baxay oo si habsami leh u dhistey magaladooda iyago aan cidna garab ka helin waxa la odhan kara boorama waa magalada 2 dhinaca horumarka dhismayaasha iyo bilicda taasina looma aaneyn karo maamulka somaliland maadama aaney ku lahyn dawladu dhismasha ama fooqaq intaa laaleeg ee qurxoon hal ka mid ah ,ama aaney wasaradaha magalada ka dhisani aaney lahyn dhisme indhaha soo jiita