06/05/2026
Maareeye Ku-xigeenka Hay’adda Dekedaha Somaliland, Mudane Abokor Cawil Cumar, ayaa shir guddoomiyey kulan muhiim ah oo lagaga hadlayey sidii loo dardargelin lahaa loona fududayn lahaa dajinta badeecadaha kala duwan ee ay keenaan Doonyaha iyo maraakiibta, iyadoo ay sare u kacday dhaq-dhaqaaqa dekedda Berbera iyo bilaabashada moosimka Xajka.
Shirka waxa ka qaybgalay wakiillada maraakiibta, ganacsatada, Kastamka Berbera, Dhakhtarka Dhoofka Xoolaha, ururka geelaha iyo shirkadda DP World, iyaga oo si wadajir ah u falanqeeyey hababka lagu horumarin karo hufnaanta iyo adeegyada dekedda.