25/05/2026
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dowladaha Hoose iyo Dib-u-heshiisiinta Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Mohamed Isack Osman (Fanax) ayaa magaalada Baydhabo ku soo xiray kulan dood-wadaag ah oo ku saabsan daadejinta adeegyada, isku xirka hay’adaha dowladda, iyo maamulka loo dhan yahay ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Kulanka ayaa waxaa kasoo qeybgalay wasiirro, agaasimayaal guud, agaasime waaxeedyo, guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo gobollada qaar, shaqaalaha waaxda dowladaha hoose iyo daadejinta adeegyada heer Federaal iyo heer Koonfur Galbeed, iyo sidoo kale lataliyayaal sare.
Kulanka kadib, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mudane Mustafa Abdullaahi Xasan (ADAF) ayaa faahfaahin ka bixiyay ujeedka kulanka, qorshaha maalmaha uu socday, iyo muhiimadda ay leedahay in wasaaradaha wada shaqeynta leh ay iska kaashadaan arrimaha daadejinta adeegyada, gargaarka, iyo mashaariicda horumarinta si kor loogu qaado maamul wanaagga, isku xirka hay’adaha dowladda, iyo tayeynta adeegyada bulshada.