30/03/2026
Ciidamada sida gaar ah u tababaran oo ka tirsan booliiska ayaa si buuxda u sugaya amniga guud ahaan magaalada Baydhabo, Tallaabadan ayaa qeyb ka ah qorshe ballaaran oo lagu xaqiijinayo xasilloonida iyo badqabka shacabka.
Dhanka kale, ciidamada dowladda ayaa howlgallo ka wada duleedyada magaalada, si looga hortago duulaanka qaaban ee Villa Soomaaliya ku soo qaaday Koonfur Galbeed.
Mas’uuliyiinta ammaanka ayaa xaqiijiyay in xaaladda magaalada ay deggan tahay, isla markaana howlgalada ay sii socon doonaan.
Taliska Ciidanka Booliiska Gaarka ah DKGS