13/05/2025
Nairobi | 13 Juun 2025.
Agaasimaha Tubsan ee Dowlada Koonfur Galbeed, Mudane Ilyas Ali Nur, ayaa ka qeyb galay kulan rasmi ah oo ahaa casuumaad uu ka helay xafiiska IOM ee Nairobi.
Kulankan ayaa lagu lafaguray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Tubsan iyo IOM, gaar ahaan arrimaha la xiriira ka hortagga iyo wacyigelinta fekerka xagjirka ah iyo horumarinta Arimaha bulshada.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu gorfeeyay sidii loo dardargelin lahaa mashaariicda wadajirka ah, loogana faa’iideyn lahaa fursadaha iskaashi ee u adeegaya xasilloonida iyo horumarka deegaannada DKGS.
DKGS