28/06/2026
Guddiga Qabanqaabada Munaasabadda Caleema-saarka Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa maanta kormeer ku sameeyey goobaha loogu talagalay soo dhoweynta wafdiyada ka imanaya gudaha iyo dibadda dalka, xarumaha marti-gelinta iyo goobta lagu qaban doono munaasabadda caleema-saarka.
Kormeerka ayaa lagu eegay heerka diyaar-garowga goobaha, amniga, bilicda magaalada, isu socodka gaadiidka iyo adeegyada loo diyaariyey martida, si munaasabadda ay ugu dhacdo si habsami leh oo waafaqsan hab-maamuuska dowladda.
Guddigu wuxuu faray dhammaan guddiyada hoosaadyada iyo hay’adaha ay khusayso inay dardargeliyaan howlaha harsan, si madaxda, wafdiyada iyo marti-sharafta ka qeybgalaysa munaasabadda loogu sameeyo soo dhoweyn heer sare ah.
Dhanka kale, waxaa si xooggan u socda qurxinta magaalada Baydhabo, nadaafadda goobaha muhiimka ah iyo adkeynta amniga, si loo xaqiijiyo badqabka shacabka iyo martida inta ay munaasabaddu socoto.
Diyaar-garowga munaasabadda ayaa si wanaagsan u socda, waxaana la filayaa inay noqoto munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo muujinaysa midnimada, wadajirka iyo horumarka Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.