07/11/2025
Baydhabo, 7 Nofeembar 2025
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Bulshada ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cumar Mustafa Nuur, ayaa maanta si rasmi ah u soo xiray tababar muhiim ah oo lagu baranayey tabinta wararka la xiriira bini’aadantinimada iyo xuquuqul insaanka, kaas oo ay ka qeyb galeen suxufiyiin ka kala socday xarumaha warbaahineed ee magaalada Baydhabo.
Tababarkan oo socday dhowr maalmood ayaa diiradda lagu saaray kor u qaadista xirfadda iyo aqoonta suxufiyiinta, gaar ahaan fahamka ku saabsan sida masuuliyad leh oo hufan ee loo tabiyo wararka taabanaya dadka nugul, xaaladaha bini’aadantinimo, iyo ilaalinta karaamada muwaadiniinta.
Agaasime Cumar Mustafa Nuur ayaa sheegay in tababarkan uu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee Wasaaradda Warfaafintu ku doonayso in lagu xoojiyo saxaafad masuul ah oo ilaalisa anshaxa warbaahinta, isla markaana door muuqda ka qaadata wacyigelinta bulshada iyo difaaca xuquuqda aadanaha.
Wuxuu carabka ku adkeeyay Agaasimaha in suxufiyiintu ay leeyihiin door muhiim ah oo ka mid ah ilaalinta runta, dheellitirka wararka, iyo gudbinta xogta saxda ah ee bulshada dani ugu jirto, isagoo ku booriyay in ay sii wadaan dadaallada ay ku hormarinayaan xirfadooda iyo daacadnimada shaqadooda.
Ugu dambeyn, tababarkan ayaa laga rajeynayaa inuu keeno isbeddel muuqda iyo faham qoto dheer oo ku saabsan sida wariyayaasha Koonfur Galbeed u maareeyaan wararka la xiriira bini’aadantinimada iyo xuquuqul insaanka, taas oo kor u qaadaysa tayada iyo mas’uuliyadda saxaafadda Koonfur Galbeed.
Wasaarada Warfaafinta & Wacyigelinta Bulshada Koonfur Galbeed