Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa KGS

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa KGS Bogga Rasmiga ah ee wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Koonfurgalbeed Soomaaliya.

Hambalyada Ciidul FidrigaWasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Ho...
19/03/2026

Hambalyada Ciidul Fidriga
Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Hon Sandhere Mohamed, ayaa hambalyo kal iyo laab ah u diraya dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka reer Koonfur Galbeed.

Wasiirku wuxuu Alle uga baryayaa inuu nabad, barwaaqo iyo farxad nagu gaarsiiyo sanadkan sanadkiisa kale.

Ciid Mubaarak, Farxad ku Ciida. 🌙✨

24/02/2026

Wasiir Sandheere Maxamed Iftiin “Wasaaradda Xannaanada Xoolaha qof kasta oo xoolo-dhaqato ah ama ku howlan soo saarista calafka xoolaha, xitaa toban saac habeenimo, wasaaraddu heegan ayay idiin tahay.”

Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sandheere Maxamed Iftiin, ayaa...
24/02/2026

Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sandheere Maxamed Iftiin, ayaa si rasmi ah u soo xiray tababar ku saabsanaa soo-saarista calafka xoolaha iyo dib-u-habeynta daaqa.

Tababarkan ayaa loo qabtay 28 hoggaamiye beeraley ah oo laga kala keenay deegaanada hoos yimaada degmooyinka Baydhabo iyo Berdaale.

Ujeeddadiisu waxay ahayd kor u qaadista aqoonta la xiriirta horumarinta wax-soo-saarka iyo ilaalinta daaqa, waxaana taageeray Hay’adda FAO.

Wasiirka ayaa ku boorriyay ka-qeybgalayaasha inay aqoonta ay barteen ku dabaqaan deegaanadooda si loo gaaro horumar waara.

Maanta oo ay taariikhdu tahay 18 February 2026, Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Dowladda Koonfur Galbeed,...
18/02/2026

Maanta oo ay taariikhdu tahay 18 February 2026, Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Dowladda Koonfur Galbeed, iyadoo kaashaneysa mashruuca SLRB-LA oo ay fulinayso hay’adda GIZ, ayaa si rasmi ah u qabatay munaasabad lagu qaybiyay 200 neef oo ari dhedig ah oo la gaarsiiyay 40 qoys oo nugul.

Barnaamijkan wuxuu qeyb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo: Nolol waarta, Dhisidda adkeysiga bulshada, iyo Kor u qaadista wax-soo-saarka xoolaha.

Qoysaska ka faa’iideystay ayaa heli doona taageero iyo wacyigelin si loo hubiyo in xooluhu noqdaan il dhaqaale oo joogto ah.
Wasaaraddu waxay sii wadi doontaa barnaamijyada kor u qaadaya horumarka reer miyiga iyo xasilinta nolol-maalmeedka bulshada nugul.

Ramadan Mubarak Wasiirka Wasaaradda Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sandheere Moh...
17/02/2026

Ramadan Mubarak

Wasiirka Wasaaradda Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sandheere Mohamed Iftiin, wuxuu ummadda Soomaaliyeed iyo guud ahaan Muslimiinta meel kasta oo ay joogaan ugu hambalyeynayaa bilashada bisha barakeysan ee Ramadan.

Wasiirku wuxuu Alle uga baryayaa in bishan laga dhigo mid kheyr, barako, is-cafis iyo midnimo ku dhammaata, islamarkaana ay noqoto bil aan dhammaanteen ka wada faa’iideysano.

Ramadan Kariim 🤲🌙

09/02/2026

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Koonfur Galbeed, Mudane Sandheere Maxamed Iftiin “Walaalaha carqaladeynaya dowladnimada waa kuwo la qalday, waxaana la rabay in loo adeegsado sidii loo dumin lahaa Dowladnimada Koonfur Galbeed.”

Afgooye: Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Dowladda Koonfur Galbeed oo weli wada ololaha daaweynta iyo tala...
28/01/2026

Afgooye: Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Dowladda Koonfur Galbeed oo weli wada ololaha daaweynta iyo talaalka xoolaha ayaa degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ka fulisay ololahan.

Degmada Afgooye ayaa noqotay degmadii 7-aad ee Wasaaraddu u qorsheysay in laga hirgeliyo ololaha daaweynta xoolaha, iyadoo sidoo kale ah degmadii ugu dambeysay ee ololuhu ka qabsoomo.

Intii uu socday ololahan, waxaa ka faa’iideystay xoolo-dhaqatada ku nool degmooyin kala duwan oo ka tirsan gobollada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose, kuwaas oo ay ka mid yihiin Baydhabo, Diinsoor, Walanweyn, Waajid, Qansaxdheere, Buur-Hakaba iyo Afgooye ee Koonfur Galbeed.

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sandheere Mad Iftiin, ayaa bilowgii ololahan sheegay muhiimadda ay leedahay daaweynta iyo talaalka xoolaha, si loo ilaaliyo caafimaadkooda loona taageero nolosha xoolo-dhaqatada.

Dhammaad

Buur-Hakaba: Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Dowladda Koonfur Galbeed oo maalintii 6-aad si xiriir ah u w...
24/01/2026

Buur-Hakaba: Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Dowladda Koonfur Galbeed oo maalintii 6-aad si xiriir ah u wada daaweynta iyo talaalka xoolaha, ayaa maanta ka fulisay degmada Buur-Hakaba ee gobolka Baay.

Ololahan ayaa loogu talagalay ilaalinta caafimaadka xoolaha, si looga hortago cudurrada ku dhaca xoolaha xilligan adag ee ay jiraan abaaro iyo kuleyl daran, iyadoo xoolo-dhaqatada degmada ay ka faa’iideysanayaan adeegyada talaalka iyo daaweynta.

Qansaxdheere: Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Dowladda Koonfur Galbeed ayaa degmada Qansaxdheere ee gobol...
22/01/2026

Qansaxdheere: Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Dowladda Koonfur Galbeed ayaa degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay ka fulisay Ololaha Daaweynta Xoolaha iyo wacyigelinta bulshada xoolo-dhaqatada.

Degmada Qansaxdheere ayaa noqotay degmadii shanaad ee laga fuliyo ololahan, kaas oo loogu talagalay badbaadinta xoolaha xilligan adag ee ay jiraan abaaro iyo kuleyl daran.

Waajid, 21 January 2026Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Dowladda Koonfur Galbeed ayaa degmada Waajid ee go...
21/01/2026

Waajid, 21 January 2026

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Dowladda Koonfur Galbeed ayaa degmada Waajid ee gobolka Bakool ka fulisay Ololaha Talaalka iyo Daaweynta Xoolaha, kaas oo ujeedkiisu yahay in xoolaha loo sameeyo daaweyn iyo tallaal xilligan adag ee ay jiraan abaaro iyo kuleyl daran.

Ololahan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Wasaaraddu ay ku ilaalinayso caafimaadka xoolaha, islamarkaana ay ku taageerayso xoolo-dhaqatada ku tiirsan noloshooda.

Xoolo-dhaqatada degmada Waajid ayaa si weyn u soo dhaweeyay ololahan, iyagoo uga mahadceliyay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha dadaalka ay ugu jirto badbaadinta xoolaha iyo yaraynta saameynta abaaraha.

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sandheere Mad Iftiin, ayaa xaqiijiyay in Waajid ay ka mid tahay degmooyinka loo qorsheeyay in laga fuliyo ololaha talaalka iyo daaweynta xoolaha.

Wasaaraddu waxay sidoo kale qorshaynaysaa in ololahan la gaarsiiyo degmooyin kale oo ka tirsan gobollada Koonfur Galbeed, si loo hubiyo badbaadada iyo caafimaadka guud ee xoolaha, maadaama xooluhu laf-dhabar u yihiin nolosha iyo dhaqaalaha bulshada.

Dhamaad

Sawiro: Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dowladda Koonfur Galbeed oo weli wadda ololaha talaalka iyo daaweynta xoolaha ayaa ...
20/01/2026

Sawiro: Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dowladda Koonfur Galbeed oo weli wadda ololaha talaalka iyo daaweynta xoolaha ayaa degmada Walanweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose ka fulisay talaal iyo daaweyn loo sameeyay Ariga, Geela iyo Lo’da.

Talaalkan oo horey uu u daahfuray Mudane Sandheere Mad Iftiin, Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Dowladda Koonfur Galbeed, ayaa qorshihiisu yahay in la gaarsiiyo toddobo degmo oo ka tirsan gobollada Koonfur Galbeed.

Wasiirka ayaa sheegay in ololahan uu yahay mid lagu xoojinayo caafimaadka xoolaha, laguna badbaadinayo nolol-maalmeedka xoolo-dhaqatada, isla markaana looga hortagayo cudurrada faafa.

Degmada Walanweyn ayaana noqoneysa degmadii saddexaad ee laga fuliyo talaalka iyo daaweynta xoolaha, waxaana ka horreeyay degmooyinka Baydhabo iyo Diinsoor ee gobolka Baay.

19/01/2026

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sandheere Mad Iftiin, oo maanta kormeeray xafiiska iskaashatada kawaanleyda Suuqa Hilibka magaalada Baydhabo, ayaa kula dardaarmay inay gowracaan xoolo caafimaad qaba, lana hubiyo xalaal ahaanshahooda.

Address

Main Office Located Near UNICEF Compound
Baydhabo
252

Telephone

+252618258303

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa KGS posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa KGS:

Share