XISBIGA NABADDA IYO HORUMARKA (PDP)

XISBIGA NABADDA IYO HORUMARKA (PDP) Page-ka Rasmiga ah ee XISBIGA NABADDA IYO HORUMARKA (PDP)

Conta
Tel:
email: xisbigap

ARAGTIDA XISBIGA NABADDA IYO HORUMARKA (PDP) WAA:

IN LA DHISO BULSHO KA MADAX BANNAAN QABYAALAD, CABSI IYO COLAAD KA ALOOSANTA DHEXDEEDA AMA UGA TIMAADA DARISKA IYO CAALAMKA INTIISA KALE, KUNA NAALOOTA NABAD, AMNI IYO CADDAALAD SABABTA HORUMAR DHAN KASTA AH. FARIINTA XISBIGA NABADDA IYO HORUMARKA (PDP) WAA:

IN LA DHISO DOWLAD SOOMAALIYEED OO MADANI AH, ILAALISA MABAADI'DA AASAASIGA AH EE UMMADDA

ISLA MARKAASNA XAQIIJISA IN DADKA IYO DALKUBA HELAAN AMNI LA ISKU HALLEYN KARO IYO MAAMUL HUFAN OO KA DHOWRSAN MUSUQMAASUQ, CADALAD DARRI IYO KU TAGRIFALKA AWOODA DOWLADNIMADA, GAARSIINAYANA SHACABKA ADEEGYADA BULSHO EE MUHIIMKA AH. MABAADI’DA XISBIGA NABADDA IYO HORUMARKA (PDP):

1) Diinta Islaamka waa SALDHIGGA HABNOLOLEEDKA shacabka soomaaliyeed lamana Xeeri karo qawaaniin ka soo horjeedda.

2) Hirgalinta ISBADDAL SIYAASADEED oo ku dhisan NABAD, horumar iyo caddaalad ku saleysan SARREYNTA SHARCIGA.

3) Ilaalinta MIDNIMADA DALKA IYO DADKA SOOMAALIYEED.

4) Lahaanshaha gaarka ah iyo suuqa xorta ah waa asaaska dhaqaalaha dalka.

5) Xorriyadda qofka, madax bannaanida ra’yiga iyo dhiirrigelinta wadatashiga waxay lafdhabar u yihiin horumarka siyaasadda, dhaqaalaha iyo bulshada waana asaaska bulsho ka madax bannaan cabsi iyo cabburin.

6) Iskaashiga caalamka iyo dariswanaagga waa asaaska siyaasadda dibadda Soomaaliyada cusub.

7) Dowladnimo hufan oo muwaadiniintu la xisaabtami karaan. UJEEDOOYINKA XISBIGA NABADDA IYO HORUMARKA (PDP) WAA IN LA:

1) Dhiso maamul dowladadeed oo ka hana qaada dhamaan Soomaaliya, soona celiya midnimadii qaranka, kala danbeyntii, sharcigii, iskaashigii iyo walaaltinimadii Shacabka soomaaliyeed.

2) Siiyo muhimadda kowaad dib u dhiska nabadda iyo dib u heshiisiinta siyaasadda iyo bulshada guud ahaan.

3) Dhowraa xuquuqda muwaaddinka soomaaliyeed, sida diintiisa, noloshiisa, Sharaftiisa, maalkiisa, iyo caqligiisa si loo helo muwaadin guta waajibaadkiisa qaran.

4) Xoojiyaa lana dhiirigeliyaa baahinta dhaqanka nabadda, wadatashiga, maamul wanaagga, u hoggaansanka sharciga, Madaxbannaanida garsoorka, la dagaallanka musuqmaasuqa, iyo kutagrifalidda awoodaha dowladnimadda.

5) Helo in dastuur joogto ah oo waafaqsan Shareecada Islaamka isla markaasna xaqiijinaya nidaamka Xisbiyada badan si talada dalka loola kala wareego si nabad ah.

6) Dhiirrigeliyo kobcinta dhaqaalaha, lana xaqiijiyo cadaalad ku qeybsiga kheyraadka dalka.

7) Horumariyo waxbarashada, cilmi baarista, hiddaha iyo dhaqanka, daryeelka caafimaadka, iyo ilaalinta deegaanka.

8) Horumariyo Haweenka, Dhallinyarada iyo Dhallaanka, lana daryeelo qoyska, agoonta iyo naafada.

9) Xoojiyo lana horumariyo xiriirka wadamada caalamka, ururrada caalamiga ah iyo Urur goboleedyada si loogu wada noolaado, nabad iyo iskaashi.

10) Dhiirrigeliyo ka qeybgalka qurbajoogta Soomaaliyeed arrimaha horumarinta siyaasadda, diblomaasiyadda iyo dhaqaalaha, lagana taageeraa ilaalinta dhaqanka sida horumarinta barashada afka ee dhallaanka.

Maxey Daacadnimo Ugu Soo Adeegeen Umadaan
29/12/2024

Maxey Daacadnimo Ugu Soo Adeegeen Umadaan

Halgame
22/12/2024

Halgame

Allaha ha u naxariisto Shiikhaynna shiikh Cisman  Xiddig Qabrigiisa allaha ha uwaasiciyo ahalka iyo qarabada iyo xerta s...
20/07/2024

Allaha ha u naxariisto Shiikhaynna shiikh Cisman Xiddig Qabrigiisa allaha ha uwaasiciyo ahalka iyo qarabada iyo xerta sabar iyo Iiman allaha ka siiyo.
Shiikh cusman waxow ahay Caalim wayn waqtigiisa ku bixiyay barridda diinta iyo faafinteda , allaha ha unaxariisto.

Mahadsanidiin
30/03/2024

Mahadsanidiin

30/03/2024
29/03/2024

Dhowr Dastuur Miyaa Jira Soomaaliyey

01/01/2024

Waxqabadka Muuqda Ee Gudoomiyaha Gobolka Benaadir Ahna Duqa Magaalada Yuusuf Xusseen Jimcaale Madaale يوسف حسين Ee Sanadka 2023

Address

Mogadishu
Banadir

Telephone

+252617466490

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when XISBIGA NABADDA IYO HORUMARKA (PDP) posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to XISBIGA NABADDA IYO HORUMARKA (PDP):

Share