29/07/2024
"Cadawgaagu duurkiyo
Hadduu doogga cawskiyo
Dareemada ka badan yahay,
Adiguna dab baad tahay.
Digo shidan hadduu yahay
Adna daad socdaad tahay.
Damal adag hadduu yahay
Adna danab dhacaad tahay.
Baaruudda duushiyo
Dubbe culus hadduu yahay,
Derbi soo ceshaad tahay."
— Hadraawi (AHUN) | Daahyaley | 1980.