06/10/2025
Internship Program of Research
Talo-Samo waxa ay bilaabaysaa Internship Program of Research oo socon doona muddo sadaxbilood ilaa iyo afar Bil ( 3_4 months) ah.
Barnaamijkan waxa uu ujeedkiisu yahay in lagu kordhiyo xirfadaha iyo aqoonta cilmi-baariseed ee dhalinyarada Soomaaliyeed, si ay ugu qalmaan inay door muuqda ka qaataan cilmi-baarista iyo horumarinta bulshada.
Barnaamijkan internship-ka waxa uu fursad siineyaa dhalinyarada jaamacadaha iyo kuwa dhammaystay waxbarashada sare si ay u bartaan xirfadaha cilmi-baarista (research skills), u helaan qibrad shaqo, iyo inay si toos ah uga qayb qaataan mashaariic cilmi-baariseed oo ka socda Talo-Samo Institute.
Shuruudaha Xulashada (Eligibility Criteria)
Si aad ugu qaybqaadato internship-kan, waa in aad soo gudbisaa dukumiintiyada soo socda:
1. CV cusub.
2. Motivational Letter oo si kooban u sharxaysa sababta aad rabto internship-ka iyo sida aad u daneyneyso cilmi-baarista.
3. Academic Certificates ama University ID Card oo muujinaya heerkaaga waxbarasho.
Fiiro gaar ah: Dhammaan dukumiintiyada waa in lagu soo gudbiyaa qaab PDF ah .
Faa’iidooyinka Internship-ka (Benefits)
1. Qibrad Shaqo (Research Experience): Ka qaybgalayaasha waxay heli doonaan waayo-aragnimo toos ah oo ku saabsan cilmi-baarisyo dhab ah.
2. Aqoon Kororsi iyo Tababaro Cilmiyed: Waxaa la siin doonaa tababaro ku saabsan hababka cilmi-baarista, xog uruurinta, iyo falanqaynta xogta.
3. Shahaado Ka-qaybgal:
Ka dib marka internship-ku dhamaado, waxaa la siin doonaa Certificate of Participation.
4. Fursad Isxiriir:
Waxaa la heli doonaa fursad lagu dhiso xiriir shaqo (networking) lala yeesho cilmi-baarayaal iyo khubaro kale.
5. Suprise Gaar Ah:
Ka qaybgalayaasha ugu firfircoon ama waxqabadka ugu wanaagsan la yimaada waxay heli doonaan abaalmarin gaar ah.
Mudada Codsiga:
Codsiyada waxaa la aqbalayaa laga bilaabo 6 Oktoobar ilaa 12 Oktoobar.
Ujeedka Guud:
Barnaamijkan Internship-ka wuxuu qayb ka yahay dadaallada Talo-Samo Institute ee lagu horumarinayo aqoonta cilmi-baarista, tababarka dhalinyarada, iyo dhisidda awoodda cilmiyed ee bulshada Soomaaliyeed.
https://forms.gle/az8WeyQtJ2SXkouF9
Follow this link to join my WhatsApp group: https://chat.whatsapp.com/G7SxSAfPjaC8QxKrtJmPF4?mode=ems_wa_t