02/01/2025
Waxaan Xalay Madaxweyne ku xigeenka DPL Mudane Ilyaas Osmaan Lugatoor kala qayb galay munaasabada abaalmarinta xulka gobolka Nugaal oo ku guuleystay Koobka Gobolada Puntland 2024 iyo Xulka Gobolka Bari oo isagana ku dhamaystay kaalinta Labaad.
Kulanka Cashada iyo Abaal marinta iskugu jirtay ayaa waxaan Shahaadooyin lagu gudoon siinay Ciidanka, Gudiga ciyaaraha, Shirkada Golis, Warbaahinta ka shaqaynaysay baahinta, Garsoorka iyo cid walba oo ka qayb qaadatay habsami socodka tartankan.
Alla mahad leh