Regional Education Officer at Lower Shabelle

Regional Education Officer  at Lower Shabelle Xafiiska Guddoonka Waxbarashada Gobolka Shabeellaha Hoose ee W.W.H.T sare ee Koonfur Galbeed

04/04/2026

Gudoomiyaha waxbarashada gobalka shabeelada hoose mudane Omer Ali Hasan Sahal

Mudane Gudoomiye Dadkaa kuu abaal gudi ๐Ÿ™

04/04/2026
Gudoomiyaha Waxbarashada Gobalka Shabeelada Hoose, waxa uu hambalyo u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan...
19/03/2026

Gudoomiyaha Waxbarashada Gobalka Shabeelada Hoose, waxa uu hambalyo u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan ardayda, macallimiinta, waalidiinta, munaasabadda barakeysan ee Ciidul-Fidri awgeed.

Ciid Mubaarak!
ูƒู„ ุนุงู… ูˆุฃู†ุชู… ุจุฎูŠุฑ

๐Š๐ฎ: ๐Œ๐š๐š๐ฆ๐ฎ๐ฅ๐š๐ฒ๐š๐š๐ฌ๐ก๐š ๐ƒ๐ฎ๐ ๐ฌ๐ข๐ฒ๐š๐๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐ก๐š๐›๐ž๐ž๐ฅ๐ฅ๐š๐๐š ๐‡๐จ๐จ๐ฌ๐žAsalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuh,Waxaan idin ogeysiin...
20/02/2026

๐Š๐ฎ: ๐Œ๐š๐š๐ฆ๐ฎ๐ฅ๐š๐ฒ๐š๐š๐ฌ๐ก๐š ๐ƒ๐ฎ๐ ๐ฌ๐ข๐ฒ๐š๐๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐ก๐š๐›๐ž๐ž๐ฅ๐ฅ๐š๐๐š ๐‡๐จ๐จ๐ฌ๐ž

Asalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuh,

Waxaan idin ogeysiineynaa in la qabanayo olole talaal caafimaad oo loogu talagalay ardayda daโ€™doodu ka yar tahay 15 sano ee ku sugan guud ahaan Gobolka Shabeellada Hoose.

Ololahan waxaa iska kaashanaya Wasaaradda Caafimaadka, Koonfurgalbeed iyo Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare DowladdaKoonfur Galbeed, si loo xoojiyo ilaalinta iyo horumarinta caafimaadka ardayda ku nool deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ujeeddada ololahan waa ka hortagga cudurrada faafa iyo hubinta in ardaydu helaan adeegyada caafimaad ee aasaasiga ah. Sidaas darteed, waxaa lagama maarmaan ah in dhammaan maamulayaasha dugsiyadu:

Wargeliyaan waalidiinta iyo ardayda waqtiga ku habboon
Diyaariyaan goob ku habboon bixinta talaalka
La shaqeeyaan kooxaha caafimaadka inta hawshu socoto

Wadashaqeyntiinnu waxay door muhiim ah ka qaadan doontaa badbaadinta iyo caafimaadka ardayda Gobolka Shabeellada Hoose.

Mahadsanidiin.

Wabilaahi Towfiiq,
Omar Ali Hassan

๐—ฅ๐—ฎ๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐— ๐˜‚๐—ฏ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ธGuddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Shabeellada Hoose ๐—ข๐—บ๐—ฎ๐—ฟ ๐—”๐—น๐—ถ ๐—›๐—ฎ๐˜€๐˜€๐—ฎ๐—ป wuxuu hambalyo u dirayaa guud ahaan...
17/02/2026

๐—ฅ๐—ฎ๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐— ๐˜‚๐—ฏ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ธ
Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Shabeellada Hoose ๐—ข๐—บ๐—ฎ๐—ฟ ๐—”๐—น๐—ถ ๐—›๐—ฎ๐˜€๐˜€๐—ฎ๐—ป wuxuu hambalyo u dirayaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bahda waxbarashada. Wuxuu bulshada ku boorinayaa in bishan la xoojiyo cibaadada, midnimada iyo is-garab istaagga.
Maadaama dalkeenna ay ka jirto abaar saameysay qoysas badan, Guddoomiyuhu wuxuu ugu baaqayaa shacabka in ay garab istaagaan dadka duruufeysan oo ay muujiyaan walaaltinimo iyo damqasho.
Alle ha naga aqbalo soonka, hana ka dulqaado dalkeenna abaarta.
Ramadaan Mubaarak

๐€๐ฑ๐š๐๐š: ๐ŸŽ๐Ÿ–/๐ŸŽ๐Ÿ/๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฑ๐›๐š๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐ก๐š๐›๐ž๐ž๐ฅ๐ฅ๐š๐๐š ๐‡๐จ๐จ๐ฌ๐ž, ๐‚๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ ๐‚๐š๐ฅ๐ข ๐—๐š๐ฌ๐š๐ง, ๐š๐ฒ๐š๐š ๐ค๐š ๐ช๐ž๐ฒ๐›๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ‘๐š...
08/02/2026

๐€๐ฑ๐š๐๐š: ๐ŸŽ๐Ÿ–/๐ŸŽ๐Ÿ/๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”
๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฑ๐›๐š๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐ก๐š๐›๐ž๐ž๐ฅ๐ฅ๐š๐๐š ๐‡๐จ๐จ๐ฌ๐ž, ๐‚๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ ๐‚๐š๐ฅ๐ข ๐—๐š๐ฌ๐š๐ง, ๐š๐ฒ๐š๐š ๐ค๐š ๐ช๐ž๐ฒ๐›๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ‘๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐–๐š๐ฑ๐›๐š๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง๐ค๐š
oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta tayada waxbarashada dalka. Waxaa sidoo kale laga dooday caqabadaha ka jira adeegyada waxbarasho iyo sidii xal waara loogu heli lahaa.
Guddoomiyuhu wuxuu muujiyay sida ay uga goโ€™an tahay maamulka Gobolka Shabeellada Hoose hirgelinta goโ€™aannada ka soo baxay shirkan, si loo xaqiijiyo waxbarasho loo siman yahay oo tayo sare leh

ุฅู†ุง ู„ู„ู‡ ูˆุฅู†ุง ุงู„ูŠู‡ ุฑุงุฌุนูˆู†Allaha u naxriisto, maanta waxaa naga geeriyooday nin qiimo badan oo si weyn uga baxay bahda wax...
05/02/2026

ุฅู†ุง ู„ู„ู‡ ูˆุฅู†ุง ุงู„ูŠู‡ ุฑุงุฌุนูˆู†

Allaha u naxriisto, maanta waxaa naga geeriyooday nin qiimo badan oo si weyn uga baxay bahda waxbarashada Gobolka Shabeelaha Hoose, gaar ahaan degmada Baraawe, Aasaasihii Iskuulka Al-Nuur (Baraawe), Marxuum Shariif Mohamed Nur bin Mohamed Said Omar.

Geeridiisu waa mid naxdin leh oo murugo ku reebtay dhammaan bulshada, gaar ahaan bahda waxbarashada. Marxuumku wuxuu door weyn ka qaatay horumarinta waxbarashada degmada Baraawe. Wuxuuna ahaa macallin aqoon, akhlaaq iyo hufnaan ku suntanaa,

Waxaan Alle uga baryayaa inuu jannatul Firdowsa ka waraabiyo, qoyskii, ehelkii, ardaydii iyo dhammaan bahda waxbarashadana samir iyo iimaan ka siiyo

Aamiin Aamiin Aamiin

27-1-2026Baraawe - Caasimadda Dowladda KGSMaanta waxaa si guul leh u xirmay tababarka loogu talagalay maamulayaasha dugs...
27/01/2026

27-1-2026
Baraawe - Caasimadda Dowladda KGS

Maanta waxaa si guul leh u xirmay tababarka loogu talagalay maamulayaasha dugsiyada degmada Baraawe. Maamulayaasha ayaa waxay muujiyeen dareen aad u wanaagsan, iyagoo ku adkeysanaya in isbeddel dhab ah ay ku sameynayaan dugsiyadooda.

Intii tababarka socday, maamulayaashu ayaa waxay soo jeediyeen in macallimiinta dugsiyada la tababaro lana dhiso siyaasado iyo xeerar adag oo cusub si loo horumariyo tayada waxbarashada. waxay xuseen in wacyigelin dheeri ah loo baahan yahay si ardayda loo siiyo fursadaha ugu fiican.

Guddoonka waxbarashada iyo Agaasinka arimaha bulshada ee degmada Baraawe ayaa la dardaarmay maamulayaasha inay dadaalkooda laba jibaaraan. Waxaana la isku afgartay in la hormariyo qorsheyaal waaweyn oo lagu hagaajinayo waxbarashada degmada.

Si wadajir ah ayaa waxaan ku gaari karnaa isbeddel dhab ah

25-January-2026Baraawe - Caasimadda Dowladda KGSGuddoonka waxbarashada degmada Baraawe Nur Abubakar Nur, iyo agaasinka a...
25/01/2026

25-January-2026
Baraawe - Caasimadda Dowladda KGS

Guddoonka waxbarashada degmada Baraawe Nur Abubakar Nur, iyo agaasinka arrimaha bulshada degmada Baraawe Nur Abdulkadir Saciid, ayaa si rasmi ah u furay tababar muhiim ah oo loogu talagalay maamulayaasha dugsiyada degmada Baraawe.

Tababarkan, oo socon doona muddo 3 beri, waxaana soo qabanqaabiyey Bahda Waxbarashada degmada Baraawe. Waxaa diirada lagu saaraya tayaynta iyo horumarinta dugsiyada si ay uga qeyb qaataan horumarinta waxbarashada degmada.

Kahor tababarkan, dhammaan maamulayaasha ayaa muujiyey rabitaankooda ah in la horumariyo tayada waxbarashada ayna diyaar u yihiin inay ka qeybqaataan. Waxaan rajeynaynaa in tababarku uu keeni doono isbeddel dhab ah oo wax ku ool ah!

22-Jan-2026Baraawe - Caasimadda Dowladda KGS Guddoonka Waxbarashada degmada Barawe, Nur Abubakar Nur, oo uu wehlinaye Ag...
22/01/2026

22-Jan-2026
Baraawe - Caasimadda Dowladda KGS

Guddoonka Waxbarashada degmada Barawe, Nur Abubakar Nur, oo uu wehlinaye Agaasinka Waaxda Arrimaha Bulshada Degmada, Nur Abdulkadir Saciid, ayaa waxay maanta kulan muhiim ah la qaateen maamulayaasha dugsiyada.

Kulankan waxaa si qoto dheer looga hadlay:
1. U diyaargarowga imtixaanka shahaadiga ah
2. Ka shaqeynta sare u qaadidda tayada
waxbarashada
3. Wacyigelinta waalidiinta iyo doorkooda
waxbarashada carruurta
4. Qabashada tababaro lagu horumarinayo
aqoonta iyo xirfadaha (Capacity Building)
5. In si wadajir ah looga shaqeeyo horumarinta
guud ee waxbarashada

Kulanka ayaa lagu adkeeyey muhiimada ay leedahay iskaashi, isla-xisaabtan, iyo qorshe mideysan si loo xaqiijiyo waxbarasho tayo leh oo mustaqbal ifaya u horseeda ardaydeena.

ุฅูู†ูŽู‘ุง ู„ูู„ูŽู‘ู‡ู ูˆูŽุฅูู†ูŽู‘ุง ุฅูู„ูŽูŠู’ู‡ู ุฑูŽุงุฌูุนููˆู†ูŽGuddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Shabeellada Hoose, Kormeeraha Waxbarashada ...
20/12/2025

ุฅูู†ูŽู‘ุง ู„ูู„ูŽู‘ู‡ู ูˆูŽุฅูู†ูŽู‘ุง ุฅูู„ูŽูŠู’ู‡ู ุฑูŽุงุฌูุนููˆู†ูŽ
Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Shabeellada Hoose, Kormeeraha Waxbarashada Gobolka Shabeellada Hoose, Guddoomiyaha Waxbarashada Degmada Afgooye, Kormeeraha Waxbarashada Degmada Afgooye, iyo dhammaan Howlwadeennada Guddoonka Waxbarashada Gobolka Shabeellada Hoose waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, ehelka, asxaabta, macallimiinta iyo ardayda uu ka baxay ๐Œ๐š๐š๐ฆ๐ฎ๐ฅ๐ข๐ก๐ข๐ข ๐ƒ๐ฎ๐ ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐Š๐š๐œ๐š๐š๐ง ๐ž๐ž
๐ƒ๐ž๐ ๐ฆ๐š๐๐š ๐€๐Ÿ๐ ๐จ๐จ๐ฒ๐ž, ๐Œ๐š๐ซ๐ฑ๐ฎ๐ฎ๐ฆ ๐๐š๐ค๐š๐ซ ๐’๐ฎ๐ฅ๐ž๐ฒ๐ฆ๐š๐š๐ง ๐Œ๐š๐ ๐š๐ง, oo maanta geeriyooday.

Waxaan Alle uga baryeynaa Marxuumka inuu ka waraabiyo Jannatul Firdowsa, dambigiisana dhaafo, kana dhigo kuwa naxariistiisa ku raaxeysta. Qoyskii, ehelkii iyo dhammaan bahda waxbarashada ee uu ka baxayna waxaan leenahay Samir iyo Iimaan.

Marxuum Bakar Suleymaan Magan wuxuu ahaa halyeey waxbarasho oo si hagar laโ€™aan ah ugu soo adeegay bulshada, gaar ahaan horumarinta waxbarashada ardayda Degmada Afgooye. Geeridiisu waa khasaare weyn oo soo gaaray waxbarashada iyo bulshada guud ahaan.

ุฅูู†ูŽู‘ุง ู„ูู„ูŽู‘ู‡ู ูˆูŽุฅูู†ูŽู‘ุง ุฅูู„ูŽูŠู’ู‡ู ุฑูŽุงุฌูุนููˆู†ูŽ
Allaha u naxariisto Marxuumka, Samir iyo Iimaan Alle ha naga wada siiyo.

Address

Lower Shabeele
Afgoye

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Regional Education Officer at Lower Shabelle posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share