15/03/2026
Ciidsiinta Agoonta Barakacayaasha ah.
Hay'ada Abaal Charity Ayaa 61 Caruur oo kamida Agoonta Barakacayaasha ah oo laga soo xulay Kaamamka Bari, Badbaado, Mudug iyo Ceymis uqaybisay Dharkii ay ku ciidi lahaayen.
Hay'ada ayaa lacag ay ka uruurisay dad muxsiniin ah si ay maalmaha Ciida Agoontu farxada ula qaybsadaan Caruurta kale ee waalidkod dharka ciida ugadaayo.
Munaasabada Caruurta Dharka loogu qaybinayey waxaa ka qaybgalay Wasiir Dowlaha Wasaaradda Arimaha Gudaha Fedaral-ka iyo Dib uheshiisinta Galmudug Cumar Guureeye, Xoghahaya Dowladda Hoose Cadaado Cabdiraxmaan Axmed Xirsi, Iskuduwaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Galmudug Degmada Cadaado Shiikh Maxamedqani, Iskuduwaha Wasaaradda Waxbarashada Galmudug Macalin Xuseen Cali Sahal, Agaasimaha Guud Isbitaalka Degmada Cadaado Dr Cali iyo Agaasimaha Arimaha Bulshadda Degmada Cadaado Cali Shiikh madaxdas ayaa bogaadiyey Didaalka Hay'ada Abaal Charity.
Dhamaadka munasabada waxaa Dadki muxsininta ahaa iyo Madaxda umahadceliyey Ismaaciil Xirsi Xasan oo ah Aasaasaha Abaal Charity.