10/10/2020
Maxaadan ka ogeyn Degmada Jowle.
Degmada Jowle waxay katirsantahay Gobolka mudug waxayna dhacdaa dhanka koofureed ee Gobolka waxayna kudhowaad 330km koonfur kaga beegantahay magalada madaxda Gobolka ee Gaalkayo.
Degmada Jowle oo ah degmo aad u zaxmad badan waxaa kunool dad lagu qiyaaso ilaa 20.000 oo qofood, magaaladaan oo ah magaalo aad u kobocday labaatan kii sano ee lasoo dhaafay nolosha dadkeedu waxay aad ugu tiirsanyihiin wax soo saarka beeraha, xoolaha iyo Ganacsiga.
Jowle dadkeedu waxay caan kuyihiin aadna loogu yaqaana beerashada digirta iyo Qaraha waxa si lamid ah reer jowluhu ubeertaan mesegada waxaana looyaqaana magalada wax soosaarka Sababata oo ah waa magalada ugu badan ee wax laga beerto marka laga Hadlayo Galmudug oo dhan.
Dhanka Ganacsiga degmadu waxay xiriir Ganacsi oo aad uweyn laleedahay magaalada Boosaaso taas oo micneheedu yahay wax soosaarka magalada waxa loo dhoofiyaa galkacyo iyo boosaaso halka badeecadaha kala duwan ee laga keeno dhanka boosaaso laga isticmaalo magaalada, waxa kaloo jira in iyana magaalada muqdisho ey lawadaagto xiriir Ganacsi.
Inkastoo magaladaani lakulantay dib udhac eysana helin wax maamul dowladeed ah sanadihii lasoo dhaafay hadana dadkeedu waa dad aad u dulqaad badan waayo nolosha k**a hor istaagin caqabadaha jiray.
Degmadu waxay leedahay school, xarumo caafimaad, ceel biyoodyo, Saldhig police iyo xarumo kale.
Jowle waxaa hoosyimaada oo kuhareereysan tuulooyin fara badan waxaana ka mid ah Dhalwo, Ris, Tuulo-xaaji, Barwaqo, Dumaye, Tawakal, Burjirriqo, cagacade, ceydan iyo kuwo kale.