31/01/2025
Sida ay somaliyada cusub u xaqiijiyeen Saraakiil amni ilaalada qaaska ah ee Madaxtooyada Soomaaliya ayaa caawa fiidkii h**e rasaas huwiyay Diyaarado Drones ah oo dhowr jeer dul heehaabay Villa Somalia kuwaas oo looga shakiyey in ay ku xiran yihiin qaraxyo oo ay wax duqeyn karaan.
Ciidanka Koofiyad Casta oo shaki badan ka qaaday diyaaradahan aan duuliyaha laheyn ee Madaxtooyada soo dulmaray ayaa rasaasta ay rideen laga wada maqlay degmooyinka Muqdisho inkastoo aanan la xaqiijin in ay la heleen diyaaradaha oo bartilmaameedkooda ahaa.
AS ayaa dhowr mar oo h**e la sheegay in ay sameeyeen isku dayo badan oo ceyn kaan oo kale ah, taas oo sii badisay walwalka amni xaqiijinta ee Soomaaliya.
Dhawaan ayey aheyd markii Puntland ay sheegtay in buuraha Caalmiskaad ee Gobolka Bari ku qabatay diyaarado badan oo drones ah oo ay adeegsan jirtay Kooxaha Daacish iyo AS ee ka dagaalama Buuraha Puntland.