01/02/2024
Bilowga mashruuca buundada Garoowe, oo aynu in badan la sugaynay, isla markaana si weyn loo dhaweeyey, waxa uu qeyb weyn ka qaadanayaa isku xidhka magaalada, fududeynta isku socodka iyo bilicadda magaalada.
Intaa waxaa dheer, dhismaha buundada Garowe waxay astaan u tahay amniga iyo horumarka bulshadeena, iyadoo siinaysa marin ammaan ah dhammaan, gaar ahaan kooxaha nugul sida gabdhaha wax ka barta jaamcadaha iyo goobaha kale waxbarashada iyo dumarka isticmaala buundada sidoo kale dhamaan bulshada qeybaheeda kala duwan oo khataro la kulma xiliyada daadadka iyo xili roobadka.
Diyaarinta naqshadda buundada Garoowe waxay la kulantay caqabado dhawr ah, taas oo kordhisay muddadii la filayey in ka badan intii loo qorsheeyey. Caqabadahan ayaa ka dhashay arrimo kala duwan:
Khibrad la'aan dhawaan: Deegaanada Puntland ama Somalia ma aysan samayn mashruuc la mid ah 50kii sano ee la soo dhaafay, taasoo qasabtay in dib loo qiimeeyo xeerarka dhismaha iyo heerarka. La qabsiga tilmaamaha caalamiga ah, sida halbeegyada Ingiriiska (British’s codes), Eurocodes, iyo ASHTO halbeegyada Ameerika, ayaa saldhig u ah dhismaayasha wadooyinka iyo buundooyinka. Dalkasta Mid gaar u ah ayuu sameystaa iyagoo tix raacaya tilmaamaha caalamiga ah, waxay keeneen caqabad weyn sababtoo ah dalka Somalia malahan xeerar u gaar. Waxaa muuqatey baahida loo qabo in la hubiyo u hoggaansanaanta hab-dhaqannada dhismaha casriga ah.
Macluumaadka aasaasiga ah ee xaddidan: Ururinta xogta saxda ah ee buundooyinka jira iyo cabbirradooda, naqshadayntooda waxay caddeeyeen inay adagtahay, Xogla,aanta aasaasiga ah ayaa caqabad ku noqotay horumarinta xeerarka naqshadaynta ee ku salaysan culayska baabuurta isticmaasha wadooyinka, buudooyinka iyo qaababka isticmaalka ama wado maris, Waxa xusid mudan in baaburta xamuulka qaada ay iyagu jaangoystaan culayska ay saarayaan.
Buundadaan waxaa naqshadeeyey in ka badna 2 shirkadood oo shaqalasiiyey lataliyaal caalami ah si ay u horumariyaan naqshadeynta buundada. Ka dib, dib u eegis dhamaystiran oo naqshadaynta ayaa la sameeyay si loo xaqiijiyo u hoggaansanaanta xeerarka iyo hirgelinta isbeddellada lagama maarmaanka ah.
Nooca buundada Garowe waa prestressed bridge waxaa la- isticmaalayaa tignoolajiyada casriga oo tayo ahaan sareeya iyo hufnaanta dhismaha, qaab-dhismeedka ka soo baxa wuxuu si fiican u adkeysan karaa cadaadiska. Si kastaba ha ahaatee, si loo xaqiijiyo fulinta mashaariicda la midka ah kan mustaqbalka, waxaa lama huraan ah in dowladu ay dejiso xeerar dhisme oo dhamaystiran iyo xeerar ku habboon baahiyaha deegaanka badqabka bulshada si loo abuuro kaabayaal adag oo waara.
Waxaa so jeedinayaa in laga sameeyo daraasaad dhibaada iyo khataraha ku xeeran dalkeena iyo bulshada.
Guul iyo Hormar Garowe