13/05/2025
Sheeko: Ninki kaso Bilaabay Beeraleyda una Gudbay Dayaxa — Sheekada José Hernández
José Hernández wuxuu ku dhashay qoys beeraley ah oo asal ahaan ka yimid dalka Mexico, balse ku noolaa gobolka California ee dalka Mareykanka. Carruurnimadiisa, José wuxuu waqti badan ku bixiyay beeraha, isagoo la shaqeynayay waalidiintiisa si ay u gooyaan miraha sida strawberries iyo qajaar. Illaa uu gaaray 12 jir, ma uu aqoonin af Ingiriis.
Laakiin José wuxuu lahaa riyo aad u weyn: wuxuu rabay inuu noqdo cirbixiyeen (astronaut).
José wuxuu si adag uga shaqeeyay waxbarashadiisa. Mararka qaar, wuxuu ku akhrisan jiray buugaag iftiin yar oo torch ah isagoo jiifa gadaasha baabuurta ay qoyskiisa ku shaqeynayeen. Wuxuu dhammeystay dugsiga sare, kadibna jaamacad ayuu galay isagoo baranaya injineeriyada.
José wuxuu codsaday inuu ku biiro barnaamijka NASA ee cirbixiyeennada — kuma uusan guuleysan hal mar, mana ahayn laba mar… balse 11 jeer baa la diiday.
Laakiin José ma uusan quusanin.
Wuxuu sii watay iskororsi: wuxuu bartay sida loo kaxeeyo diyaarado, wuxuu bartay af Ruushka, wuxuuna khibrad ku yeeshay shaqooyinka injineeriyada sare. Ugu dambeyntii, markiisii 12aad, NASA way aqbashay.
Sanadkii 2009, José wuxuu ku duulay dayax-gacmeedka Space Shuttle Discovery isagoo noqday mid ka mid ah cirbixiyeennada Mareykanka. Wiilkii beeraleyda ahaa ee qorraxda hoosteeda miro ka gurayay wuxuu noqday nin meel sare ka gaaray cirka.
Maanta, José wuxuu dhiirrigeliyaa ardayda saboolka ah, wuxuu ka hadlaa waxbarashada, wuxuuna adduunka ka sheegaa hal fariin:
“Ha is dhiibin. Wax kasta oo aad ku soo kortay, waxaad gaari kartaa riyadaada.