04/02/2026
𝗠𝗮𝗵𝗮𝗱𝗰𝗲𝗹𝗶𝗻
Mahad oo dhan waxey u sugnaatay Allah SWT, sido kale waxaan u mahadcelinayaa Madaxdii Qaranka oo markale fursad ii siiyay in aan u qidmeeyo Qarankeyga,Ciidankeeyga, iyo umadeeyda Soomaaliyeed.
Sidoo kale waxaan si niyad ah ugu mahadcelinayaa Saraakiisha, Saraakiil xigeenka, Alifleyda iyo Dableyda CXDS oo runtii si wadajir ah aan ugu soo wada qidmeynay Qarankeenna, waxaana rajeynayaa in ay halkaasi kasii wadaan maadaama ay tahay mas’uuliyad adag oo ina wada saaran. Waxan Allah SWT uga baryayaa in uu Shuhadada ka aqballo geesiyaashii Qarankooda u shahiiday.
Sidoo kale, waxaan dhammaan saxiibada ku dhawacmay u rajeeynayaa caafimaad taam ah.
Waxa kale oo aan halkaan uga mahadcelinayaa bulshada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan runtii shaqadeenna ma aanan ku guleeysan leheeyn hadii aadan ina garab taagneeyna markale aad ayaad u mahadsan tihiin sharaf ayaana idiin heeynaa.
Waxaan rabaa sidoo kale in aan u mahadceliyo saaxibada ina tageera qaybahooda kala duwan ee inala shaqeeyay gaar ahaan USA, EU,UK, AU,QATAR,AUSSOM, TURKIYE, UNSOS, UNMAS iyo dhamaan saxiibada kale oo aanan halkaan kuso koobi karin.
Waxaan fursadaan uga faa’iideysanayaa oo an halkan uga mahadcelinayaa Dowlada Uganda oo si gaar ah arimaha la dagaalanka cadawga inagala qeeyb qaadatay.
Ugu dambeyn, sida ay waajib u tahay in aad mas’uuliyadda qabato ayey waajib u tahay in aad ka degto sidaas darteed, waxaan soo dhaweynayaa Taliyaha cusub oo aan Alle uga baryayo in mas’uuliyadda hortaallo u fududeeyo.
Mahadsanidiin…