28/05/2016
SHACABKA IYO SHARCIGA
Laga soo bilaabo 1960 waxaa laysku haysatay sidii somaaliya u heli lahayd maamul wanaag, ay shacabka soomaaliyeed ku faraxsan yihiin oo gaara gobolada iyo degmooyinka dalka oo idil , nasiibxumese , weli waxaa ku jirnaa muran ka taagan sidoo loo heli lahaa mamul federal ah oo qanciya shacabka ku nool gobolada dalka oo idil.
Maamuladii soomaliya soo wada maray oo idil weli lama hayo maamul ka fekera sidii adeega guud dalka loo wada gaarsiin lahaa , taana waxaa lagu heli Karaa , maamul sharciyeysan oo ku dhisan sinaan iyo cadaalad . Maamulka maanta jira siyaasadda dibadda waxaad moodaa in uu ku guuleysatay , hase ahaatee, waxaa ku adkaatay siyaasdadda arrimaha gudaha , taasina waxaa ugu wacan fahan la’aanta siyaasadda federallka ee la xiriirta waxsoosaarka dhaqalaha gobalada sidii loo kala loo maareyn lahaa , maamulkan waxuu ku takrifalay guud ahaan dakhligii gobolka Benaadir taasina waxay keentay in ay si sahal ugu tuntaan maqaamkii shacabka ku nool Muqdisho, isla markaana loo diido shacabka gobolka benaadir in ay ka mid noqdaan xubnaha Aqalka Sare.
Federaalka waxuu gobolada soomaliya iyo shacabkooda u fuduneenayaa is - maamul ku dhisan dhaqan wadaag ku saleysan Federaal. . Soomaliya uma baahna maanta aqal kale, waxaa ku filan saddex hayadood ee dawlihga ah: Gole shacabka, golaha wassirada iyo golaha sare ee madaxtooyada.sideedaba dawlad soomaliya ma yeelan karto Aqal sare . saa waxay ku dhisan tahay qaab qabiil ee loo yaqaan 4.5.
Dawladda Goboleed iyo siyaasadda federal isma qaadi karaan . maxaa yeelay , waddadii federaalka ee 18ka gobolka ay soomaliya ka koobnaan lahayd waxaa loo rogay dawlad goboleed , halkii laga rabay in gobol weliba awood ahaan uu iskii isu taago, (Regional Autonomy ).
Waddankana u yeeshay hal madaxweyne soomaliya u horseeda siyaasad ku saleysan sinaan iyo cadaalad gaarta gobol weliba. Sharcigoo loo hogaansamo iyo shacabkoo cadaalad helo ayuu fedelaaka soomaliya ku saleysan yahay. Hase ahaatee, xildhibaanda soomaaliyeed kaalinta looga bahnaa k**a aysan soo bixin, tusaale ahaan:
Sida xildhibaanda caalamka oo kale haddey xubnaha xildhibaanada federaalka soomaliyeed ay matali lahaayeyn degmooyinkooda marnaba ma dhacdeyn in xildhibaanda soomaaliyeed hortooda la keeno mooshin la xirrira (Aqalka Sare )oo lagu burburinaayo jiritaankooda, taassoo macnaheedu yahay in la dhantaalo wada shaqeynta iyo is fahamka xubnaha goloha shacabka ee ee ka soo bilawday waqtigii imbigaati , Kenya sanadkii 2000.
Muddo 12 sanno ka badan,ayeynu sharuucda isku qab -qab saneynay iyo dawlad ku meel gaar ah . maanta oo lays ku diyaarinaayo doorashadii madaxweynaha waxaa soo baxay fikirkaan cusub ee aqal sare oo malaha ka soo dhex guuxay shaqsiyaad xukun doon ah oo aan daneynin danta guud ee shacabka soomaaliyeed una horseedayo dawlad tabayare oo ka kooban dawlad goboleedyo.
Gebi ahaan Aqalka sare , , waxay ina xusuusineysaa maahmaadi carbeed ee ahayd:- ‘ Anigoo qatyaan ka taagnaa Abahey , ayuu Aabahii ii keenay AAbahiis ‘
Taasi waxaan ula jeedaa anigoo kuwii h**e ku dhibaneyn ayaa waxaa noo keynteyn aqal sare . Haddi aan laga maarmi Karin in la dhiso Aqal sare , waxaa aqal sare noqon kara Golaha shacabka ee haatan jira ee masuulka ka ah sharuucda dalka, iyo shacabka soomaaliyeed labaduba.
Soomaliya maanta waxaa ku filan hal aqal , Aqalkaasna waa golaha shacabka oo ah aqalkii shalay soo doortay madaxweyne Xasan sheikh Maxamuud, waxay aqalka haatana diyaar u yihiin sidii loo dooran lahaa madaxweynaha cusub ee 2016 -2020, hase ahaatee, waxaa loo baahan yahay in cid weliba oo mas’uul ah ay darajeyso danta Guud ee dalka , Iyadoo Gobolada qaarkood masiirkooda kor loo qaadayo , qaarna la inkirayo masiirkooda caasimad awgeed, sida Gobolka benaadir oo kale.
Ugu danbeyn, xildhibaanda soomaliyeed waxaa looga fadhaa in ay badbaadiyaan Sharciga soomaliyeed iyo shacabka soomaaliyeed laduba , qaabka badbaadadaa lagu heli karana , waa in ay hal Sanno ku darsadaan si ay u dhicin madaxweyna iyo gole danbe oo isla dhaca , islamarkaana u doortaan Madaweyne Somaaliyeed ee aan hagardaamo ku sameyneynin sharciga iyo shacabkiisa.
Hadaba, Guddiga joogtgada ee golaha Shacabka waa in ay si deg deg u bilaabaan hawshoodo dastuuriga ah ee diiwaan gelinta xisbiyada doonayo ka qeyb galka doorasho tooska ah ee loogu tartamayo madaxweynaha soomaaliya ee sanadka 2016-2020 ee ka dhaceyso bisha August 2016 xarruunta Golaha shacaka ee Muqdisho/Soomalya.