12/06/2026
Kulankii Lagu Qiimaynayay Warbixinta Sanadlaha ah ee Mashruuca Maaraynta iskudhafka ah ee Nafaqadarada (Annual Review Meeting of the IMAM Program) Laguna Wareejinayo Agabka Kala Duwan ee Caafimaadka oo Jigjiga Kasocoday ayaa Lasoo Afmeeray.
Mashruucan (IMAM) oo ka hawl gala 23 degmo ayaa lagu dhagaysanayay wax-qabadka iyo guulihii lagu talaabsaday sanadkan si dhamanayaa waxaana lagu qimeeyay degmooyinka xaqijiyay hawlihii shaqo ee Mashruuca taasi oo sare loo qaday.
Waxaana xidhitaanka kulankan kasoo qabagalay Wasiir kuxigeenka xafiiska caafimaadka Mudane Maxamuud Maxamed Abdi isaga oo ka qayb galayaasha kulankan kula dardarmay inay si xoojiyaan kashaqaynta mashruucan (IMAM) kaasi oo kashaqeeya maraynta isku dhafka ah ee nafaqo darada.
Ugu danabayn waxaa halkaasi lagu abal mariyay degmooyinkii shaqooyinka muuqada ka qabatay mashruucan ee la yimid dadalada dheeradka ah.
Xafiiska Caafimaadka DDS
June 12, 2026