14/09/2026
Cusbitaalka Darajada Koowaad ee Qabri-bayax ayaa u dallaci doona heerka Cusbitaal Guud kaddib ballaadhintiisa oo maanta dhagax-dhiggiisu dhacay.
Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar, iyo Wasiirka Xafiiska Caafimaadka DDS, Dr. Muuse Axmed, ayaa dhagax-dhigay mashruuca ballaadhinta Cusbitaalka Darajada Koowaad ee Qabri-bayax, kaas oo lagu biirinayo dhismaha waaxda hooyada iyo dhallaanka, taas oo marka la dhammeeyo ka dhigi doonta Cusbitaal Guud (General Hospital).
Dhismaha waaxdan ayaa qayb muhiim ah ka qaadan doonta xoojinta adeegyada caafimaadka hooyada iyo dhallaanka, gaar ahaan daryeelka hooyooyinka xilliga uurka, dhalmada iyo umusha kaddib iyo sidoo kale adeegyada caafimaad ee dhallaanka.
Dhismahan oo ah G+1 dabaq ah ayaa waxaa ku baxaya lacag dhan 240 milyan oo birr, waxaana la qorsheeyay in uu socdo muddo 18 bilood ah. Ballaadhinta cusbitaalkan waxaa fulinaya Xafiiska Caafimaadka DDS.
Marka la hirgeliyo, waaxdu waxay bulshada degmada Qabri-bayax iyo nawaaxigeeda u fududayn doontaa helitaanka adeegyo caafimaad oo muhiim ah oo la xidhiidha hooyada iyo dhallaanka, iyadoo yaraynaysa baahida ay bulshadu u qabto in ay adeegyo noocan ah u raadsato deegaanno ka fog.
Ugu dambayn, mashruucan ayaa xoojin doona dadaallada lagu horumarinayo tayada iyo helitaanka adeegyada caafimaadka, gaar ahaan adeegyada badbaadinta nolosha hooyada iyo dhallaanka, kuwaas oo muhiim u ah caafimaadka iyo badqabka qoysaska iyo bulshada guud ahaan.